Sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay bogga baraha bulshada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxa la soo bangdhiay nooca gaadiidka dagaal ee ay adeegsanayaan ciidmamada Masar ee ka tirsan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya.
Arrintan ayaa daba socotay safar madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalay munaasibad lagu soo bandhigayay ciidammadaaas iyo noocyada gaadiidka ee ay isticmaalayaan.
Munaasibaddaas waxa madaxweynaha ku wehelinayay taliyaha ciidammada Masar, Sarreeye Guud, Cabdimasjiid Saqar.
Warbixinta ayaa lagu sheeegay in ka qaybgalka Masaarid ee hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya uu marayo heer gabagabo ah.
Nooca gaadiidka dagaal ee la soo bandhigay
![]()
Gaadiidka noocan ah oo ka muuqday muuqaallada la soo bandhigay oo ay ku xardhan tahay calaamadda Midowga Afrika, waa gaadiidka gaashaamman ee loo yaqaan MRAP, taa oo manaheedu yahay in aysan karin qaraxyada, miinooyinka iyo weerarrada gaadmada ah.
Wuxuu awood u leeyahay in uu yareeyo waxyeellada ka dhalan kara qaraxyada, maaddaama uu qaraxa ka fogeeyo qaybta ay askartu saaran tahay.
Waxa uu ka samaysan yahay biro adag oo ka ilaaliya rasaasta fudud iyo qaraxyada iyo muraayado adag oo rasaasta celiya.
MRAP waxa uu ahaa gaadiid caan ka noqday intii lagu jiray dagaalladii Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Xigasho: BBC Somali











