Dowladda Mareykanka ayaa maalgelin ku bixisay ballaarinta garoonka Manda Bay ee hoos yimaada Ciidamada Kenya, kaas oo ku dhow Lamu, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Arrintan ayaa imaneysa iyadoo Al-Shabaab ay kordhisay weerarrada xadka Soomaaliya iyo Kenya, taasoo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo iskaashi amni oo ballaaran.
Ballaarinta Manda Bay waxay sidoo kale astaan u tahay xiriirka milatari ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Kenya iyo Mareykanka. Sannadkii 2024, madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa Kenya u aqoonsaday saaxiibka ugu horreeya ee Mareykanka ee ka hooseeya Saxaraha Afrika, tallaabo sare u qaaday iskaashiga amni iyo diblomaasiyadeed, inkastoo uusan jirin heshiis difaac oo wadajir ah.
Dhanka kale, saraakiisha booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhowaan dileen guddoomiyaha deegaanka iyo macallin ku sugnaa magaalada Hulugho ee waqooyi-bari Kenya, meel u dhow xadka Soomaaliya.
Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa dhul ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa si joogto ah u fuliya weerarro ka gudba xuduudaha, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado ciidamada Kenya . Khubarada amniga ayaa sheegaya in weerarradan ay qayb ka yihiin dadaallo lagu cadaadinayo Kenya si ay ciidamadeeda uga saarto howlgalada AUSSOM ee ka socda Soomaaliya.
Maalgelintan milatari ee Mareykanka ayaa imanaysa xilli Kenya ay la tacaalayso caqabado dhaqaale iyo kuwo amni oo ka taagan xadka ay la wadaagto Soomaaliya.










