AL-CALAMAYN – MASAR | OKTOOBAR 03, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday Shir Madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika, oo ka socda magaalada cusub ee Al-Calamayn ee dalka Masar.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah loo isla eegay fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga iyo horumarinta mashaariicda wadajirka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xiriirka ay la leedahay Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, oo muddo dheer ku salaysnaa xiriir diblomaasiyadeed, iskaashi iyo is-dhaafsi dhinacyo badan leh.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa fursadaha maalgashi ee labada dal, gaar ahaan ka faa’iidaysiga awoodaha dhaqaale iyo kheyraadka Soomaaliya, iyo sidii shirkadaha iyo hay’adaha ganacsi ee Masar ay uga qayb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaybgalayo shir madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika, kaas oo isu keenaya madaxda dalalka Afrika iyo dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga, si loo dardargeliyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa fursad u ah in la soo bandhigo awoodaha iyo fursadaha maalgashi ee dalka, iyadoo la xoojinayo xiriirrada dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka Afrika iyo saaxiibbada caalamka.
Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa sidoo kale muujinaya sii socoshada xiriirka labada dal, iyadoo Soomaaliya iyo Masar ay leeyihiin dano iyo iskaashi ka gudbaya xiriirka diblomaasiyadeed ee caadiga ah, una gudbaya dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, horumarinta iyo iskaashiga hay’adaha dowladeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar kulamo iyo wadahadallo la xiriira xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyadoo shirarka noocan ah ay fursad u yihiin Soomaaliya inay ku xoojiso xiriirkeeda dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee qaaradda.
QARANIMO – MOGADISHU – SOMALIA













