Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane William Ruto, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dowladda Kenya ay qorsheyneyso in dib loo furo xadka Mandheera ee ay la wadaagto Soomaaliya, bisha Abriil ee sanadkan.
Go’aankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo lagu soo nooleynayo isku socodkii dadka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee u dhexeeyay bulshada ku dhaqan labada dhinac ee xuduudda. Madaxweyne Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in furitaanka xadka uu door weyn ka qaadan doono kobcinta dhaqaalaha gobolka, isla markaana uu xoojin doono xiriirka soo jireenka ah ee derisnimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Inkasta oo xadka hore loo xiray sababo la xiriira xaalado amni, tallaabadan cusub ayaa muujinaysa in labada dowladood ay gaareen heer cusub oo iskaashi amni ah, taas oo abuurtay jawi kalsooni leh oo suuragelin kara dib u furista xuduudda.
Waxaa la rumeysan yahay in go’aankan uu saameyn togan ku yeelan doono kumannaan qoys oo ku tiirsan ganacsiga xuduudaha, isla markaana uu fududeyn doono isu socodka badeecadaha daruuriga ah iyo xiriirka bulshada labada dal.










