Muqdisho, Janaayo 15, 2026: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa khamiista maanta ah daahfuray diiwaangelinta ceelasha biyaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee sifeeya biyaha, taas oo qayb ka ah qorsheyaal horumarineed oo lagu xoojinayo helitaanka biyo nadiif ah, hubinta tayada adeegyada biyaha, iyo ilaalinta caafimaadka bulshada gobolka.
Munaasabadda oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, wakiillo ka socday hay’adaha biyaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay ee sifeeya biyaha, iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, ayaa waxaa lagu dhiirrigeliyey iskaashiga ka dhexeeya maamulka Gobolka Banaadir, shirkadaha, iyo bulshada si loo hubiyo adeeg biyo oo waara, hufan, islamarkaana loo yareeyo khataraha caafimaad ee ka dhasha biyo aan nadiif ahayn.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xusay in diiwaangelintan ay qayb ka tahay dadaallada maamulka ee lagu hubinayo tayada biyaha, kor loogu qaadayo la xisaabtanka shirkadaha bixiya adeegyada biyaha, iyo fududeynta qorsheynta horumarineed ee la xiriirta adeegyada aasaasiga ah.
“Waxaa muhiim ah in bulshadu hesho biyo nadiif ah oo ammaan u ah caafimaadka, islamarkaana shirkadaha bixiya adeegyada biyaha ay raacaan shuruucda iyo xeerarka maamulka si loo gaaro adeeg hufan oo waara,” ayuu yiri Mudane Mahad Baraawe Agaasimaha Waaxda Biyaha, Deeganka & Isbeddelka Cimilada.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in diiwaangelintan ay fududeyn doonto la socodka iyo kormeerka ceelasha biyaha iyo shirkadaha sifeeya biyaha, iyadoo la hubinayo in adeegyada la bixiyo ay la jaan qaadayaan heerarka caafimaad iyo badbaado ee la dejiyey, taasoo ka mid ah qorshayaasha istiraatiijiga ah ee maamulka ee lagu taageerayo horumarinta adeegyada biyaha, ilaalinta deegaanka, iyo ka hortagga cudurrada ka dhasha biyaha aan nadiifka ahayn.

Ugu dambeyn, maamulka Gobolka Banaadir wuxuu bulshada ugu baaqay in ay ka qaybqaataan dadaallada horumarineed, islamarkaana ay la shaqeeyaan hay’adaha iyo shirkadaha sifeeya biyaha si loo xaqiijiyo helitaanka biyo nadiif ah oo badbaado leh.
……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………









