Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka dalka, wadatashi ku saabsan hawlaha doorashooyinka, iyo qiimeynta heerka diyaargarowga habsami u socodka howlaha la xiriira dimuqraadiyadda.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta hore u gaaray Baydhabo, halkaas oo ay kulamo kula yeelanayaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Laftagareen, si ay uga wada hadlaan dardargelinta arrimaha doorashooyinka.











