Waxaa maanta kulan wadatashi iyo is-weydaarsi xog ah isugu yimid Guddiyada Wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo guddi matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulankan ayaa yimid kaddib codsi ay soo jeediyeen culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka, kuwaas oo soo bandhigay fariimo iyo aragtiyo la xiriira qabsoomidda gogosha wada-hadallada u dhexeeya Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.
Intii uu socday kulanka, waxaa la wadaagay xog iyo warbixinno ku saabsan heerka diyaar garowga gogosha wada-hadallada. Gebagebadii, guddiyada diyaargarowga shirka wada-hadallada ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah doorka ay ka qaateen, iyagoo adkeeyay inay qaddarinayaan talooyinkooda iyo xiisaha masuuliyadeed ee ay ka muujinayaan geeddi-socodka wada-hadallada la xiriira arrimaha masiiriga ah ee dalka.










