Guddiga Difaaca Qaranka oo Si Rasmi ah Loogu Dhawaaqay Muqdisho, SRCC oo Boggaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya
Guddiga Difaaca Qaranka waa hay’ad istiraatiiji ah oo heer qaran ah, oo loo aasaasay in ay hagto, isku-duwdo, isla markaana kormeerto dhammaan siyaasadaha iyo go’aannada la xiriira difaaca iyo amniga qaranka. Hay’addu waxay diiradda saareysaa xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga dalka, dejinta qorshayaal istiraatiiji ah oo mideysan, hubinta isla-xisaabtanka, iyo xaqiijinta in hoggaan cad oo masuuliyad leh uu ka dhex shaqeeyo dhammaan laamaha difaaca.
Shaqada guddigan ayaa muhiim u ah dhismaha awoodda amni ee dalka iyo sidii loo heli lahaa nidaam wax-ku-ool ah oo lagu maamulo arrimaha difaaca, iyadoo sidoo kale la taageerayo geeddi-socodka amniga iyo istiraatiijiyadda qaranka.
Maanta magaalada Muqdisho, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Isuduwidda iyo Madaxa Hawlgalka AUSSOM (SRCC), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa si weyn u bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay Guddigan Difaaca Qaranka. Danjiruhu wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana ka tarjumeysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha hay’ado qaran oo xooggan oo amniga iyo difaaca dalka u hogaamiya.
Danjiraha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Isuduwidda iyo Madaxa Hawlgalka AUSSOM (SRCC), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa tallaabada lagu dhisay Guddiga Difaaca Qaranka ku tilmaamay mid muhiim ah oo xoojinaysa hoggaaminta Soomaalida iyo lahaanshaha qaranka ee maamulka waaxda difaaca, taas oo saldhig u noqon karta amni waara iyo dawladnimo adag.
Guddiga Difaaca Qaranka waxaa hoggaaminaya Wasiirka Difaaca, Mudane Axmed Macallin Fiqi, waxaana xubno ka ah hoggaan sare oo amni heer qaran ah, oo ay ka mid yihiin Lataliyaha Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo madaxda hay’adaha sirdoonka. Isu-imaanshahan hoggaan heer qaran ah ayaa fududeynaya in go’aannada la xiriira difaaca ay noqdaan kuwo mideysan, xog-ogaal ah, isla markaana ka turjumaya baahiyaha dhabta ah ee amniga dalka.
Danjire Diene ayaa intaa ku daray in dhismaha guddigan uu muujinayo biseyl siyaasadeed iyo mas’uuliyad qaran oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya muujisay, isagoo carrabka ku adkeeyay in hoggaaminta gudaha ay tahay furaha ugu muhiimsan ee lagu gaari karo nabad iyo xasillooni waarta.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Guddiga Difaaca Qaranka uu door weyn ka ciyaari doono kor u qaadista isla-xisaabtanka hay’adaha, dabagalka howlaha amniga, iyo hubinta in dhammaan hay’adaha difaaca ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.










