Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Taliyaha cusub ayaa leh khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah iyo aqoon waxbarasho oo heer jaamacadeed labaad ah, waxaana loo magacaabay si uu u hogaamiyo ciidamada qalab-sida ee dalka.
Kulanka maanta, oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa goluhu ka hadlay xaaladda amniga dalka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha khawaarijta. Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada qalab-sida, gaar ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo in ka badan 550 horjooge ah looga dilay kooxda argagixisada, kuwaas oo 80 ka mid ah ahaayeen ajaanib.
Sidoo kale, shirka Golaha ayaa lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqayn doona la-dagaallanka tahriibka, kuwaas oo ka kooban lix wasaaradood iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Axdiga Dhisidda Hay’adaha Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo sidoo kale Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.










