OSLO, Norway — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa magaalada Oslo kula kulmay dhiggiisa Norway, Espen Barth Eide, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal.
Wasiirka Soomaaliya ayaa kulanka waxaa ku weheliyay wafdi uu hoggaaminayay. Wadahadallada ayaa qabsoomay intii uu socday shirka wasiirrada dalalka Nordic iyo Afrika.
Labada wasiir ayaa diiradda saaray sidii loo sii adkayn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Norway, loona horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada ay ka leeyihiin danaha wadaagga ah. Kulanka ayaa fursad u ahaa labada dhinac inay ka wada hadlaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo danaha ay wadaagaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya mudnaanta qaranka iyo danaha wadajirka ah. Waxay sidoo kale adkaysay muhiimadda ay leedahay in iskaashigaasi uu gacan ka geysto nabadda, xasilloonida gobolka iyo horumarka.













