Nairobi — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta baarlamaannada, isku-duwidda arrimaha ay wadaagaan iyo dardargelinta is-dhexgalka gobolka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa khudbaddiisa ugu mahadceliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaranka Kenya iyo Baarlamaanka dalkaas soo dhaweynta wufuudda iyo qabanqaabada shirka. Waxa uu sidoo kale bogaadiyey Xoghayeyaasha Baarlamaannada iyo Xoghayeyaasha Guud ee ka shaqeeyey kulankii farsamo ee gogol-xaarka u ahaa shirkan, kaas oo qabsoomay 27-kii iyo 28-kii Oktoobar 2026.
Khudbadda Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u dul istaagtay laba arrimood. Tan koowaad waxay ahayd dib-u-eegista horumarka laga sameeyey hirgelinta go’aankii Shir-madaxeedka Madaxda Dowladaha EAC ee la xiriiray gunnooyinka iyo doorashada xubnaha Baarlamaanka Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA), kaas oo la qorsheeyey inuu dhaqan galo Diseembar 2027.
Arrinta labaad ayaa ahayd dhageysiga warbixinta diyaar-garowga Ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, oo lagu qaban doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania inta u dhexeysa 4-ta iyo 15-ka Diseembar 2026.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar-garowday ka qaybgalka tartanka, isla markaana Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu diri doono wafdi isboorti. Waxa uu tilmaamay in ciyaaruhu fursad u yihiin xoojinta saaxiibtinimada, isku-duubnida iyo xiriirka ka dhexeeya baarlamaannada iyo dalalka gobolka.
Dhinaca kale, waxa uu Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada ku boorriyey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan go’aanno wax-ku-ool ah oo la isku raacsan yahay, una adeegaya danaha baarlamaannada iyo guud ahaan Bulshada Bariga Afrika.
Gabagabadii, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa muujiyey kalsooni ah in wada-tashiga iyo iskaashiga joogtada ahi ay horseedi karaan natiijooyin xoojiya xiriirka hay’adaha sharci-dejinta, isla markaana taageera himilooyinka wadajirka ah ee gobolka. Waxa uu caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay ka qaybqaadashada wada-tashiyada iyo horumarinta iskaashiga baarlamaannada Bariga Afrika.












