Muqdisho — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday askar ku dhaawacantay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu daweynayo Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.
Booqashada ayaa ujeeddadeedu ahayd u kuurgalidda xaaladda caafimaad ee askarta dhaawacantay iyo hubinta daryeelka loo fidinayo. Taliyaha ayaa askarta mid mid u wareystay, isagoo ka xog-wareystay xaaladdooda caafimaad, una muujiyey garab istaag iyo dhiirrigelin.
Sidoo kale, taliyaha ayaa warbixin ka dhegeystay saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka. Saraakiisha ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladaha askarta iyo dadaallada ay shaqaalaha caafimaadku ugu jiraan daaweyntooda iyo daryeelkooda.
Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo waddaniyadda askarta, isagoo ku ammaanay doorkooda difaaca dalka, ilaalinta shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Booqashadan ayaa muujisay garab istaagga hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka ee askarta ku dhaawacanta howlgallada, iyo ahmiyadda la siinayo la socodka xaaladdooda caafimaad inta ay ku jiraan daaweynta.













