Muqdisho | September 14, 2026 – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo hawlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa kormeer shaqo ku tegay difaacyada hore iyo fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha waxaa kormeerka ku wehliyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo si dhow ugu kuurgalay xaaladda guud ee amniga, duruufaha nololeed ee ciidamada iyo diyaar-garowga cutubyada ku sugan jiidaha hore. Kormeerka ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay goobaha ay ciidamadu ku sugan yihiin iyo qaabka ay u gudanayaan waajibaadkooda amni iyo difaac.
Intii uu kormeerku socday, Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiisha la socotay waxay indho-indheeyeen xaaladda magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku dhow, iyagoo xog ka ururiyay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan fariisimaha hore. Booqashada ayaa qayb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo isku-xirka taliska iyo ciidamada, laguna hubinayo baahiyaha iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan cutubyada difaaca ku jira.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan, oo loo yaqaanno “Isxaaq Berdaale”, ayaa Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiisha la socotay siiyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda amniga ee aagga.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay hawlgalladii iyo dagaalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamadu galeen, natiijooyinkii kasoo baxay iyo guulaha ay ka gaareen kooxaha cadowga ah. Saraakiisha ayaa ka wada hadlay dadaallada socda ee lagu ilaalinayo amniga, laguna xoojinayo difaacyada ciidamada si looga hortago khatar kasta oo waxyeello u geysan karta shacabka iyo xasilloonida deegaannadaasi.
Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay guulaha ay gaareen iyo sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda qaran. Waxa uu uga mahadceliyay feejignaanta joogtada ah ee ay ka muujiyaan dhaq-dhaqaaqyada cadowga iyo naf-hurnimada ay ku difaacayaan shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa ciidamada ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, feejignaanta iyo diyaar-garowga, isla markaana ay joogteeyaan dadaallada lagu sugayo amniga. Waxa uu sidoo kale ammaanay sida ay ugu adkeysanayaan duruufaha shaqo, iyagoo ilaalinaya shacabka ay dhaarta u mareen inay u adeegaan una difaacaan qaranka.











