Muqdisho | September 12, 2026 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare iyo jaamacadaha dalka. Munaasabadda ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ku tilmaamay waxbarashada tiir muhiim u ah horumarka iyo dib-u-dhiska Soomaaliya. Wuxuu sheegay in tayeynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo maalgelinta dhallinyaradu ay door weyn ku leeyihiin mustaqbalka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in jaamacaduhu laf-dhabar u yihiin diyaarinta jiil Soomaaliyeed oo leh aqoon iyo xirfado uu kaga qayb qaadan karo hoggaaminta iyo horumarinta dalka.
Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweynaha ayaa daah-furay Hindisaha ABUUR, oo loogu talagalay kobcinta hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi ee ardayda Soomaaliyeed. Hindisahan ayaa ka mid ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo ardayda inay aqoontooda u adeegsadaan abuurista fikrado iyo fursado cusub.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo laga hirgeliyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Dhismayaashaasi waxaa ka mid ah kuwo loogu talagalay kulliyadaha jaamacadda, xarunta guddiga caafimaadka arrimaha Carabta, iyo xarunta gurmadka degdegga ah iyo daryeelka xaaladaha halista ah.
Waxaa intaas dheer, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha guriga martida ee jaamacadda iyo xarunta Hal-abuurka iyo Cilmi-baarista. Xaruumahan ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan tayeynta waxbarashada sare, tababarrada caafimaadka iyo horumarinta cilmi-baarista dalka.
Daah-furka sannad-tacliimeedka cusub, Hindisaha ABUUR iyo mashaariicda laga hirgelinayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo waxbarashada sare iyo diyaarinta dhallinyaro leh aqoon, xirfad iyo hal-abuur.











