Muqdisho | September 11, 2026 — Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan soo-dhoweyn iyo isbarasho ah la yeeshay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo UNDP, iyo sidii loo joogteyn lahaa taageerada ay hay’addu siiso bulshada ku nool Soomaaliya, gaar ahaan dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay iskaashiga dhinacyada maamul-wanaagga, adeegyada bulshada, amniga, horumarinta kaabayaasha muhiimka ah iyo hirgelinta barnaamijyo wax-ku-ool ah oo wax ka qabta baahiyaha bulshada ku nool caasimadda.
Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ballaariyo wadashaqeynta kala dhexeysa UNDP. Wuxuu sheegay in iskaashi joogto ah uu gacan ka geysan karo dardargelinta dadaallada lagu horumarinayo maamulka, adeegyada bulshada, amniga iyo kaabayaasha muhiimka u ah magaalada Muqdisho.
Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis, ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay hay’addu uga go’an tahay sii wadidda iyo xoojinta taageerada ay siiso Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale muujiyay diyaar-garowga UNDP ee ku aaddan in Maamulka Gobolka Banaadir lagala shaqeeyo barnaamijyo horumarineed oo la taaban karo, kuwaas oo si toos ah uga jawaabaya baahiyaha bulshada.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed; Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan; iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.











