Qaahira, Masar | September 10, 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta oo heer wasiirro ah, kaas oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirrada arrimaha dibadda iyo wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, iyadoo lagu gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka, dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Carabta iyo arrimaha mudnaanta gaarka ah u leh dalalka xubnaha ka ah ururka.
Qadiyadda Falastiin ayaa ka mid ahayd qodobbada ugu muhiimsan ee looga hadlay kalfadhiga, iyadoo madaxda iyo wakiillada dalalka Carabtu ay dib u eegis ku sameeyeen xaaladda ka jirta dhulka Falastiin iyo tallaabooyinka wadajirka ah ee lagu taageerayo shacabka Falastiiniyiinta.
Dhinacyada ka qaybgalay kulanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha la xiriira nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadatashiga iyo iskaashiga siyaasadeed ee dalalka Carabta. Waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka xubnaha ahi yeeshaan mowqif mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha ka jira gobolka.
Intii uu socday kalfadhigu, Soomaaliya waxay mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo iskaashiga gobolka, iyo ka qaybqaadashada hindisayaasha wadajirka ah ee lagu ilaalinayo danaha dalalka iyo shucuubta Carabta.
Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qaybgalay Kulanka 11-aad ee Guddiga Wasiirrada Carabta ee qaabilsan wax ka qabashada tallaabooyinka sharci-darrada ah ee Israa’iil ka waddo magaalada Qudus ee la haysto.
Kulanka guddiga ayaa lagu falanqeeyay xaaladda Qudus, saamaynta tallaabooyinka laga soo sheegay magaaladaasi iyo baahida loo qabo in dalalka Carabtu xoojiyaan dadaallada siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed ee lagu difaacayo xuquuqda shacabka Falastiin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ka xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee taageerada shacabka Falastiin iyo qadiyaddooda. Soomaaliya waxay sidoo kale muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta tallaabooyinka wadajirka ah iyo iskaashiga dalalka Carabta ee ku wajahan difaaca xuquuqda Falastiiniyiinta.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta iyo Kulanka 11-aad ee Guddiga Wasiirrada Carabta ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee ay Dowladda Soomaaliyeed ku xoojinayso xiriirkeeda dalalka Carabta, isla markaana ay kaga qaybqaadanayso wadatashiyada ku saabsan nabadda, amniga iyo arrimaha muhiimka u ah gobolka.
Madashan ayaa sidoo kale fursad u siisay Soomaaliya inay dib u xaqiijiso kaalinteeda ku aaddan iskaashiga Carabta iyo taageeridda mowqifyada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo danaha iyo xasilloonida gobolka.












