Jowhar – September 09, 2026 | Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta deegaanka Saabuun ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kaga qeyb galay munaasabad lagu dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun.
Mashruucan ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo habka loo maareeyo biyaha Webiga Shabeelle, lagu xoojiyo waraabka beeraha, laguna yareeyo khatarta fatahaadaha saameeya dhul-beereedka iyo deegaannada ku yaalla hareeraha webiga. Dib-u-habaynta biyo-xireenka ayaa sidoo kale la filayaa inay wax weyn ka tarto kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo sare u qaadista nolosha beeraleyda ku tiirsan biyaha Webiga Shabeelle.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa munaasabadda ka sheegay in dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun uusan ahayn oo keliya mashruuc lagu hagaajinayo kaabayaal duugoobay, balse uu yahay maalgashi toos ah oo lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed, wax-soo-saarka dalka iyo mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya.
Waxa uu xusay in mashruucani muhiimad gaar ah u leeyahay beeraleyda iyo qoysaska ku nool dooxada Shabeelle, kuwaas oo noloshooda iyo dhaqaalahoodu si weyn ugu tiirsan yihiin beeraha, waraabka iyo helitaanka biyo si habsami leh loo maareeyo.
“Maanta Saabuun uma aynaan iman inaan dhagax keliya dhigno, balse waxaan u nimid inaan dib u soo nooleyno halbowlihii biyaha iyo beeraha ee deegaankan,” ayuu yiri Mudane Jibriil.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Biyo-xireenka Saabuun, oo la dhisay sannadkii 1925-kii, uu muddo dheer ka mid ahaa kaabayaasha ugu muhiimsan ee lagu maareeyo biyaha Webiga Shabeelle. Biyo-xireenka ayaa door muhiim ah ku lahaa gaarsiinta biyaha dhul-beereedka, taageeridda wax-soo-saarka dalagyada iyo nidaaminta qulqulka biyaha webiga.
Mudane Jibriil ayaa tilmaamay in dib-u-dayactirka kaabahan taariikhiga ahi uu dib u xoojin doono kaalintii uu ku lahaa horumarinta beeraha Gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in maaraynta wanaagsan ee biyuhu ay muhiim u tahay ilaalinta beeraha, yareynta khasaaraha ka dhasha fatahaadaha iyo ka hortagga biyo-yaraanta xilliyada abaarta.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xukuumadda DanQaran, ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta kaabayaasha biyaha iyo waraabka. Waxa uu xusay in kaabayaashani ay laf-dhabar u yihiin kordhinta wax-soo-saarka gudaha, horumarinta dhaqaalaha miyiga iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada dalka.
Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay leedahay dhul-beereed iyo khayraad biyo oo wax badan ka tari kara baahida cunto ee dalka, hase yeeshee loo baahan yahay maalgelin joogto ah, dayactir kaabayaal iyo nidaam casri ah oo lagu maareeyo biyaha.
![]()
Mashruuca dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun wuxuu qayb ka yahay Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP) iyo dadaallada ballaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso awoodda dalka ee maaraynta khayraadka biyaha.
Dowladdu waxay rajaynaysaa in hirgelinta mashruucani ay gacan ka geysan doonto dib-u-soo-nooleynta beeraha deegaanka, ballaarinta dhulka waraabka hela, sare u qaadista wax-soo-saarka beeraleyda iyo abuurista fursado dhaqaale oo ay ka faa’iideystaan bulshada ku nool Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun ayaa sidaas darteed loo arkaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca ilaalinta khayraadka biyaha, xoojinta wax-soo-saarka beeraha, yareynta saameynta fatahaadaha iyo dhismaha mustaqbal ay Soomaaliya awood ugu yeelato inay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadkeeda dabiiciga ah.
![]()
![]()
![]()













