Baydhabo, Soomaaliya – May 13, 2026 – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaas oo uu kulamo iyo kormeerro amni uga bilaabay masuuliyiinta maamulka iyo saraakiisha ciidamada.
Safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la xiriira dardargelinta howlgalada milatari ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasi oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya ugu yeerto Khawaarijta.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in Taliyaha uu diiradda saarayo xoojinta wada shaqeynta ciidamada kala duwan, kor u qaadista diyaar garowga howlgalada iyo adkeynta amniga guud ee deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Intii uu ku sugnaa Baydhabo, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la filayaa inuu la kulmo saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo qiimeeyo xaaladda amni iyo howlgalada socda.
Socdaalka Taliyaha Ciidanka XDS ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay sare u qaadayso gulufka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka deegaanka ay howlgallo ka wadaan gobollo badan oo dalka kamid ah.
Saraakiisha amniga ayaa sheegaya in ujeedka ugu weyn ee socdaalka uu yahay dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha hubeysan, dib u xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin iyo xaqiijinta amni waara oo laga hirgeliyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay qorshayaal lagu xoojinayo awoodda ciidamada qalabka sida, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu kamid yahay meelaha muhiimka u ah howlgalada amni iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
![]()













