MADRID, Spain – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka qeybgalaya Bandhig Caalami ah oo Dhaqan iyo Dalxiis oo ka socda dalka Spain.
Wafdiga Soomaaliyeed ayaa ka faa’iideystay madashan caalamiga ah si ay dunida ugu soo bandhigaan hidaha iyo dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliya, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray cuntada dhaqanka, caadooyinka soo jireenka ah, iyo fursadaha dalxiis ee weli aan si buuxda loo isticmaalin.
Isagoo ka hadlayay bandhigga, Agaasime Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in baalalka (pavilion-ka) Soomaaliya uu noqday meel si weyn u soo jiidatay booqdayaal badan, oo ay ku jiraan wakiillo ka socday shirkado caalami ah oo waaweyn oo ka shaqeeya dalxiiska. Soo bandhigidda dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si muuqata u soo jiidatay indhaha martida caalamiga ah, iyadoo noqotay buundo lagu gaarsiinayo dunida sheekooyinka togan iyo sawirka dhabta ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Geeska Afrika.
Agaasimaha Guud ayaa intaa ku daray in uu kulammo miro-dhal ah la yeeshay ka-qeybgalayaal iyo maalgashadayaal ka kala socday dalal kala duwan, kuwaas oo uu ku dhiirrigeliyay inay sahamiyaan fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira waaxda dalxiiska Soomaaliya, oo haatan ku jirta marxalad dib-u-soo kabasho ah.
Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Hay’adda Duulista iyo Dalxiiska Soomaaliyeed (SATA) doorka muhiimka ah ee ay ka qaadatay fududeynta iyo habsami u socodka ka-qeybgalka Soomaaliya ee bandhiggan heer caalami ah.
Bandhiggan ayaa waxaa ka qeybgalay dalal iyo shirkado wax-soo-saar oo kala duwan, kuwaas oo soo bandhigayay hiddahooda, dhaqankooda iyo hal-abuurkooda, taasoo siisay Soomaaliya fursad ay isku barbar dhigto una soo bandhigto nafteeda dal soo ifbaxaya oo leh fursado dalxiis iyo maalgashi oo rajo leh.








