Subaxnimadii hore ee maanta, hawada Muqdisho waxaa laga dareemay dhaqdhaqaaq ay sameynayeen diyaarado dagaal oo nooca F-16 ah oo dhawaan Turkigu soo gaarsiiyay Soomaaliya, kuwaas oo sameeyay wareegyo kormeer iyo tijaabooyin duullimaad. Diyaaradahaas oo gaaraya saddex xabo ayaa lagu daray howlgalada lagula dagaallamayo al-Shabaab, isla markaana ka qeyb qaadan doona sugidda difaaca dalka, iyagoo garab siinaya ciidanka cirka Soomaaliyeed.
Saraakiisha militariga ayaa sheegay in F-16-yada ay door weyn ka qaadan doonaan kor u qaadista awoodda cirka ee ciidamada, isla markaana gacan ka geysan doonaan adkeynta ammaanka Muqdisho iyo deegaannada ku dhow.
Tallaabadan cusub waxay muujinaysaa heerka sare ee iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo la filayo in diyaaradaha F-16 ay door muhiim ah ka qaataan howlgalada lagula dagaallamayo al-Shabaab. Diyaaradda F-16 waa mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah, kuna jirta jiilalka dambe, waxayna awood u leedahay fulinta duqeymo sax ah iyo hawlgallo cirka ah oo kala duwan, iyadoo leh dabacsanaan sare inta ay duullimaadka ku jirto.











