War ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Soomalaiya ayay ku sheegtay in socdaalkii uu maanta Haregysa ku yimid wasiirka arimaha dibadda Isreal uu ahaa “Mid sharci darro ah”.
“Waxaan sida ugu adag u cambaareyneynaa duulaanka socdaalka sharci darrada ah ee wasiirka arimaha dibadda ee Israa’iil ku tagay Hargeysa”.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada wasiirku ay “xadgudub ku tahay madaxbanaanida dhuleed iyo midnimada siyaasadeed ee Soomaaliya”.
Waxa ay intaa lagu daray in “tallaabadaani ay ka dhigantahay faragalin aan la aqbali karin oo ku aadan arimo gudaha ee waddan xubin ka ah Qaramada Midoobay”.









