MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in loo diyaar-garoobo qabashada tirakoob dhammaystiran oo dadweynaha iyo guryaha ah, isagoo adkeeyay in xog sugan ay saldhig u tahay qorshaynta adeegyada bulshada, hagidda maalgashiga iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda xuska Maalinta Istaatistikada Afrika 2026, oo maanta lagu qabtay Muqdisho. Munaasabadda waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka (SNBS) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Hal-ku-dhigga sannadkan ayaa ah hirgelinta nidaam joogto ah oo lagu soo saaro istaatistikada biyaha iyo fayodhowrka, si loo gaaro horumar waara oo u adkaysan kara isbeddelka cimilada Afrika.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in faham dhab ah oo laga yeesho xaaladda dalka iyo baahiyaha bulshada uu muhiim u yahay gaarista go’aanno sax ah iyo dejinta barnaamijyo ka jawaabaya arrimaha mudnaanta leh. Waxa uu tilmaamay in horumar wax ku ool ah uu u baahan yahay xog lagu qiimeeyo duruufaha jira iyo meelaha ay tahay in wax laga beddelo.
“Hal-kudhigga sannadkan waxa uu si gaar ah diiradda u saaraya istaatistikada biyaha iyo fayo-dhowrka, biyo-yaraanta, abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha, adeegyada fayo-dhowrka oo aan ku filnayn iyo culaysyada ka dhasha. Isbeddelka Cimiladu waxa uu saamayn ku leeyahay nolosha dadka, caafimaadka bulshada, sugnaanta cuntada iyo fursadaha dhaqaale,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xogta lagu kalsoonaan karo ay muujin karto tirada saxda ah ee bulshada, adeegyada aasaasiga ah ee ay heli karaan, meelaha adeeg-bixintu ku yar tahay iyo deegaannada u baahan maalgashi. Sida uu sheegay, xogtaasi waxay gacan ka geysan kartaa hagidda mudnaanta qaranka iyo qorshaynta maalgashiga dadweynaha.
Waxa uu sidoo kale xiriiriyay helitaanka xogtaas iyo awoodda bulshada Soomaaliyeed ay ugu adkaysan karto saameynta isbeddelka cimilada. Wuxuu sheegay in qorshayaasha wax looga qabanayo caqabadaha dalka ay u baahan yihiin xog sugan oo si cad u qeexaysa baahiyaha jira.
Dhanka tirakoobka, Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in muddo sannado ah aan dalka laga samayn tirakoob dhammaystiran oo dadweynaha iyo guryaha ah. Waxa uu ku baaqay in hadda loo diyaar-garoobo, lagana shaqeeyo sidii loo qaban lahaa tirakoobkaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo kor u qaadista tayada, dhammaystirnaanta, helitaanka iyo wadaagista xogta maamul ee ay soo saaraan hay’adaha dowladda, si xogtu u noqoto saldhig lagu hago qorshaynta iyo go’aan-qaadashada.












