MUQDISHO — Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa ka qaybgalay barnaamij lagu taageerayo laguna u qareemayo maxaabiista deymanka lagu leeyahay ee ku jira xabsiyada dalka, gaar ahaan kuwa aan awoodin inay iska bixiyaan lacagaha lagu soo dacweeyay.
Barnaamijka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud, mas’uuliyiin kale, samafalayaal iyo wakiillo ka socday Hormuud Foundation, Dahabshiil iyo bangiyada dalka, iyo marti sharaf kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda maxaabiista qaameysan iyo baahida loo qabo in loo fidiyo gargaar iyo garab istaag, si wax looga qabto duruufaha dadka aan haysan awood dhaqaale oo ay ku gudaan deymanka lagu leeyahay.
Wasiir Xasan Macallin oo ka hadlay barnaamijka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo sidii loo caawin lahaa dadkaas, isagoo yiri: “Inaan ka shaqeyno xorriyadda dadka dhibaateysan waa arrin muqaddas ah.”
Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka shaqeeyay qabanqaabada iyo hirgelinta barnaamijka. Waxa uu si gaar ah u xusay dadaallada samafalka ah ee lagu taageerayo dadka xabsiyada ku jira ee aan iska bixin karin lacagaha deynta ah ee lagu soo dacweeyay.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud, ayaa ku baaqay in gurmad loo fidiyo maxaabiista qaameysan, isagoo yiri: “Maxaabiista qaameysan waxay u baahan yihiin in loo gurmado.”
Barnaamijka waxaa hoggaaminaya maamulka Wasaaradda Caddaaladda, waxaana kala qaybqaadanaya culimada Soomaaliyeed. Dadaalkan ayaa ku wajahan u qareemidda iyo taageeridda maxaabiista ay deymanku ku culus yihiin, iyadoo la dhiirrigelinayo ka qaybqaadashada samafalayaasha iyo hay’adaha bulshada.













