MUQDISHO — Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada la gaarsiiyo bulshada.
Sheekh Aadan Madoobe, oo safar shaqo ku jooga caasimadda, ayaa kulanka waxaa ku weheliyay wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.
Wadahadallada ayaa lagu eegay baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada maamulka, taageerada ay Qaramada Midoobay siiso bulshada iyo sidii loo adkayn lahaa xiriirka wada-shaqayneed ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gurmadka iyo gargaarka.
Intii uu kulanku socday, Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku baaqay in la xoojiyo dadaallada wax looga qabanayo duruufaha nololeed ee bulshada. Waxa uu tilmaamay in iskaashi joogto ah oo dhex mara dowladda, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarku uu muhiim u yahay helidda xalal wax ku ool ah oo ka jawaaba baahiyaha jira.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale adkeeyay in qorshaynta iyo bixinta taageerada bani’aadannimo lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee dadka loo gargaarayo. Waxa uu carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan ee ku hawlan arrimaha bani’aadannimada.
Isku-duwiddaas ayuu ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah kordhinta waxtarka gargaarka iyo xaqiijinta in dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka bani’aadannimo ay helaan taageerada ay u baahan yihiin.












