Arlington, Texas — Feeryahanadda Soomaaliyeed ee British-ka ah, Ramla Cali, ayaa guul ka gaartay Mikiah Kreps kaddib tartan feer oo ka dhacay magaalada Arlington ee gobolka Texas. Ramla ayaa ilmada farxadda ceshan weyday markii garsoorayaashu ku dhawaaqeen natiijada, iyadoo guusha u hibeysay aabbaheed oo geeriyooday bishii May.
Saddexda garsoore ayaa Ramla u xukumay guusha, iyagoo kaararkooda ku qoray dhibcaha 97–92, 96–93 iyo 98–91. Markii natiijada la xaqiijiyey, ayay sujuudday iyadoo ay shucuurtu ka xoog badatay.
Ramla ayaa sheegtay in hadal uu tababaraheedu ku yiri ka hor tartanka uu xusuusiyey aabbaheed, isla markaana guushu ay macne gaar ah u lahayd.
“Markii aan qolka dhar bedelka ku jirnay, tababarahaygu wuxuu igu yiri, maadaama aabbahay uu bishii May geeriyooday, ‘Maanta u ciyaar isaga’,” ayay tiri Cali.
“Shucuurtaas oo dhan waxay ka soo burqadeen dhamaadkii, waayo waxaan u sameeyay aabbahay aawgiis.”
Waxay sidoo kale ka hadashay waxa ay guushani uga dhigan tahay iyo farriinta ay doonayso inay gaarsiiso dhallinyarada Soomaaliyeed.
“Ereyo kuma tilmaami karo waxa guushan ii tahay iyo waxa ay u tahay Soomaalida oo dhan,” ayay raacisay.
“Waxaan rajeynayaa inaan dhiirrigeliyay gabdho iyo wiilal badan oo meesha joogay in riyadooda rumoobi karto, taasina waa waxa kaliya ee aan waligey doonayay inaan qabto.”
Tartan adag iyo natiijo ay Kreps ku qanacsanayn
Guusha Ramla ayaa timid kaddib loollan adag oo ay la gashay Kreps, oo ahayd feeryahanad Maraykan ah oo aan hore looga adkaan. Wareeggii saddexaad ayaa Kreps loo tiriyey dhicitaan, arrintaas oo ay ka carootay. Dib-u-eegista muuqaalka ayaa muujisay in gacanteedu dhulka taabatay iyadoo isku dayaysay inay istaagto.
Dhacdadaasi waxay Ramla siisay wareeg ay dhibcuhu ku ahaayeen 10–8. Hase yeeshee, Kreps ayaa dib ugu soo laabatay loollanka, taas oo Ramla ku khasabtay inay si adag u difaacato fursaddeeda guusha.
Tirakoobka feerarka haleelay ayaa Kreps u diiwaangeliyey 115 feer, halka Ramla ay lahayd 78. Inkastoo Kreps ay ku horreysay tiradaas, saddexda garsoore ayaa dhammaantood guusha siiyey Ramla. Kreps waxaa ka muuqday niyad-jab, iyadoo aaminsanayd inay samaysay wax ku filan oo ay tartanka ku guuleysato.
Ramla, guushani waxay u ahayd tallaabo weyn oo ay u qaadday xaqiijinta riyo ay muddo dheer hiigsanaysay. Laba sano ka hor, isku daygeedii hore waxaa guuldarro ku soo afjartay Yamileth Mercado. Guushan cusub ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli uu soo baxay filim ka sheekaynaya nolosheeda.
Qaxootinimo ilaa masraxa feerka caalamka
Ramla Cali, oo 36 jir ah, waxay iyada oo ilmo yar ah qoyskeeda kala qaxday Muqdisho horraantii sagaashameeyadii, xilligii dagaalka sokeeye. Qoysku waxay dagaalladaas ku waayeen walaalkeed oo 12 jir ahaa.
Waxay feerka bilowday iyadoo dhallinyaro ah. Xilligaas, hooyadeed waxay u sheegi jirtay inay u tababaranayso jimicsi, balse aanay doonayn inay tartamada feerka ka qayb gasho.
Sanadkii 2016-kii ayay ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska, waxaana safarkeeda ciyaareed qayb ka noqday heshiis ay la gashay shirkadda qabanqaabisa tartamada feerka ee Matchroom Boxing. Waxay sidoo kale gaartay heer ay ka qayb gasho ciyaaraha Olombikada, iyadoo hore u sheegtay inay hiigsanayso inay noqoto qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee feerka uga qayb gala tartankaas.
Ramla, oo aabbaheed imaam ahaa, waxay ka qalinjabisay jaamacad, waxayna mar u shaqayn jirtay shirkad ka shaqaysa arrimaha sharciga. Shaqadaas oo ay habeenno dambe ka soo rawixi jirtay ayay lix bilood kaddib uga soo laabatay feerka.
Marka laga soo tago ciyaaraha, Ramla waxay sidoo kale noqotay qoraa iyo qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada. Guusheeda Texas waxay cutub cusub ku dartay safarkeeda, iyadoo farxadda guusha ku lammaanisay xusuusta aabbaheed iyo rajada ay ka qabto inay dhallinyarada ku dhiirrigeliso xaqiijinta riyooyinkooda.












