Prague, Czech Republic — Safiirka Soomaaliya ee dalka Jarmalka, Danjire Cabdicasiis Maxamuud Maxamed, ayaa magaalada Prague kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Czech, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas, Petr Pavel.
Danjiraha oo munaasabadda ku matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxda Jamhuuriyadda Czech gaarsiiyay dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuna aaddanaa xuska Maalinta Qaranka ee dalkaas.
Intii uu ku sugnaa Prague, Danjire Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Czech, gaar ahaan waaxda u qaabilsan arrimaha Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa iskaashiga dhinacyada horumarinta. Wadahadallada ayaa fursad u ahaa labada dhinac inay ka arrinsadaan arrimaha danaha wadaagga ah iyo sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed.
Booqashada danjiraha ayaa sidaas isugu jirtay ka qaybgalka xuska qaranka ee Jamhuuriyadda Czech, gudbinta hambalyada dowladda Soomaaliya iyo wadahadallo ku saabsan horumarinta xiriirka labada dal.












