Muqdisho — Qaranimo Online — 17-ka Sebtembar 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta faray dhammaan wasiirrada iyo mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda inay si buuxda u hirgeliyaan hannaan shaqaalaysiin iyo magacaabis oo ku salaysan karti, aqoon iyo mudnaan.
Baaqa Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu adkeeyay in fursadaha shaqo iyo xilalka hay’adaha dowladda lagu saleeyo aqoonta, waayo-aragnimada, xirfadda iyo awoodda qofku u leeyahay gudashada waajibaadka loo igmanayo. Ujeeddadu waa in la helo shaqaale rayid ah oo tayo leh, isla markaana si hufan ugu adeega dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa amarkan ku saleeyay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 161-aad, farqaddiisa koowaad, Qodobka 7-aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah iyo dhammaan xeerarka, shuruucda iyo go’aannada kale ee khuseeya shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu faray wasiirrada iyo madaxda kale ee dowladda inay si degdeg ah oo aan dib-u-dhac lahayn u dhaqangeliyaan hannaankan, iyadoo la xaqiijinayo in shaqaalaysiinta iyo magacaabistu maraan nidaam hufan, caddaalad ah oo fursad siman siinaya muwaadiniinta buuxiya shuruudaha xilalka iyo shaqooyinka la doonayo.
Hirgelinta nidaam ku dhisan karti iyo mudnaan waxaa laga filayaa inay sare u qaaddo tayada adeegyada dowladda, xoojiso kalsoonida shacabka, isla markaana yareyso eexda, qaraabo-kiilka iyo ku-tagrifalka awoodda ee ka dhex dhici kara habraacyada shaqaalaysiinta.
Baaqa Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo maamulka wanaagsan iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda, si loo dhiso shaqaale rayid ah oo xirfad, hufnaan iyo isla-xisaabtan ku shaqeeya.
Mas’uuliyiinta wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ayaa laga doonayaa inay waafajiyaan habraacyadooda shaqaalaysiinta iyo magacaabista shuruucda dalka, iyagoo mudnaanta siinaya dadka leh aqoonta, xirfadda iyo waayo-aragnimada looga baahan yahay xilalka ay qabanayaan.










