Muqdisho | September 12, 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Muqdisho ku eqaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka saaxiibtinimo ee muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal. Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay joogtaynta wada-hadallada iyo horumarinta arrimaha ay labada dowladood danaha ka wadaagaan.
Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga laba geesoodka ah. Kulanku wuxuu qayb ka yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqayntooda.
Faahfaahin ku saabsan heshiisyo cusub ama mashaariic gaar ah oo kulanka lagu go’aamiyay lama shaacin.











