Muqdisho, 13 May 2026 – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan siyaasadeed oo xasaasi ah, kaas oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, xaaladda kala guurka ah iyo xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta JOC ee ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana dhanka Dowladda Federaalka ku matalayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac. Dhanka mucaaradka waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka tirsan beesha caalamka ay goob joog ka ahaayeen kulanka.
![]()
Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in wadahadalku ku bilowday jawi deggen, isla markaana uu ahaa “is-arag guud” iyo furitaan hordhac ah oo dhinacyadu ku kala dhageysteen mowqifyadooda. Qodobada ugu waaweyn ee la taabtay waxaa kamid ahaa nooca doorasho ee dalka u gudbayo, hannaanka siyaasadeed ee kala guurka ah iyo sida looga hortagi karo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysan kara.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayeen doodaha siyaasadeed ee la xiriira muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashooyinka dalka. Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ayaa sheegay in mucaaradku ay walaac ka muujiyeen xaalad dastuuri ah oo dhalan karta haddii aan heshiis siyaasadeed laga gaarin arrimaha doorashada iyo kala guurka.
![]()
Inkasta oo aan weli la shaacin war-murtiyeed rasmi ah oo faahfaahsan, haddana xogaha la helayo waxay sheegayaan in kulanka maanta uu kusoo dhammaaday is-afgarad ah in wadahadallada la sii wado. Dhinacyada ayaa lagu warramayaa inay ballameen kulan kale, iyadoo la filayo in labada garab ay la tashiyo dheeraad ah kula noqdaan xubnaha ay kala matalaan ka hor inta aan la gelin doodaha qotada dheer.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Muqdisho soo gaaray kahor kulanka, iyadoo socdaalkiisa lagu sheegay mid qeyb ka ah dadaallada lagu wajahayo wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
![]()
Kulankan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dejin karo xiisadda siyaasadeed, maadaama ay isku hor fadhiisteen madaxda dowladda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee muddooyinkii dambe si weyn uga aragti duwanaa jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.
Si kastaba ha ahaatee, natiijada dhabta ah ee wadahadalladan waxay ku xirnaan doontaa kulamada xiga, heerka tanaasulka siyaasadeed ee dhinacyada iyo in la gaaro hannaan ay ku wada qanacsan yihiin dowladda, mucaaradka iyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya.













