Muqdisho – May 11, 2026 – Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa maanta kulan muhiim ah Xarunta Degmada kula yeeshay qaar kamid ah bulshada deegaanka, isagoo si dhow u dhageystay cabashooyin, baahiyo iyo talooyin ay shacabka usoo gudbiyeen maamulka degmada.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada maamulka cusub uu ku doonayo inuu ku xoojiyo xiriirka kala dhexeeya bulshada deegaanka, islamarkaana uu si toos ah ugu fahmo xaaladaha iyo caqabadaha ay wajahayaan shacabka ku nool degmada Dayniile.
Bulshada kulanka ka qeyb gashay ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhibaatooyin kala duwan oo la xiriira adeegyada bulshada, amniga, nadaafadda deegaanka, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo baahiyaha guud ee degmada. Waxay sidoo kale muujiyeen rajo weyn oo ku aaddan in maamulka cusub uu wax ka qaban doono cabashooyinka muddada dheer taagnaa, islamarkaana uu la imaan doono isbeddel muuqda oo shacabka ay dareemi karaan.
Qaar kamid ah shacabka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in maamulka degmada uu yeesho xiriir joogto ah oo uu la sameeyo bulshada, si loo helo kalsooni iyo wada shaqeyn dhab ah oo horseedi karta horumar iyo xasilooni waarta.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Macallin Xuseen ayaa dhankiisa sheegay in maamulka degmada uu mudnaan gaar ah siinayo dhageysiga aragtida shacabka, isagoo carrabka ku adkeeyay in horumarka degmada aanu suuragal noqon karin la’aanta wada shaqeyn buuxda oo dhex marta maamulka iyo bulshada deegaanka.
“Maamulka degmada waxaa ka go’an in shacabka loo adeego si hufan, lana dhageysto tabashooyinkooda. Waxaan dooneynaa in Dayniile ay noqoto degmo ay shacabka codkooda ka dhiiban karaan, laguna xalliyo dhibaatooyinka jira si wadajir ah,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa shacabka u xaqiijiyay in albaabada maamulka degmada ay mar walba u furnaan doonaan bulshada, si loo xoojiyo isfahamka, isla xisaabtanka iyo adeegyada ay dowladdu siiso shacabka.
Kulankan ayaa imanaya xilli maamulka cusub ee degmada Dayniile uu bilaabay qorsheyaal lagu dardargelinayo dib u habeynta adeegyada bulshada, xoojinta amniga, nadaafadda iyo horumarinta guud ee degmada, iyadoo shacabka deegaanka ay si weyn u soo dhoweynayaan dadaallada maamulka cusub.













