Markabka dagaalka ee leh garoonka diyaaradaha ayaa sida diyaaradaha casriga ah ee F-35 iyo F/A-18 Hornet, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.
Wararku waxay tilmaamayaan in markabka USS Abraham Lincoln, oo ay weheliyaan saddex markab oo kale oo dagaal, ay ku wajahan yihiin gobolka Bariga Dhexe, iyagoo sidaya kumannaan askari oo Maraykan ah.
Sidoo kale, markabkan ayaa la sheegay in uu ku qalabaysan yahay hub culus oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin gantaallada difaaca cirka sida NATO Sea Sparrow iyo nidaamyo kale oo gantaallada ka hortaga.
USS Abraham Lincoln, oo dhererkiisu gaarayo 332 mitir, ayaa sidoo kale xambaarsan nidaamka hubka ee Phalanx, kaas oo awood u leh in uu ka hortago una weeraro bartilmaameedyo badeed iyo kuwo cirka ah.
Wararka ayaa sheegaya in markabka sidoo kale lagu rakibay nidaamka gantaallada ee RAM, kaas oo ka mid ah hubka casriga ah ee is-difaaca.
USS Abraham Lincoln, oo ka tirsan maraakiibta ugu waaweyn uguna awoodda badan ee Maraykanka, ayaa leh hub kala duwan iyo nidaamyo raadaar oo horumarsan.
Sidoo kale, tiknoolajiyada AN/SLQ-25A Nixie ayaa loogu talagalay in ay marin-habaabiso maraakiibta quusa ee cadowga, kuwaas oo isku dayaya in ay raadraacaan ama beegsadaan markabka.
Nidaamyada raadaarka ayaa sidoo kale caawiya si ay u baaraan xaaladaha u dhow, la socodka hawada, iyo in la hubiyo in gantaaladu ay ku toosan yihiin bartilmaameedka.
Markabka USS Abraham Lincoln waxa uu ku safri karaa xawaare dhan 60 kilomitir saacadiiba, waxana uu qaadi karaa celcelis ahaan 5,600 oo qof, sida uu sheegay website-ka ciidamada badda ee Maraykanka CMNO.
Maraykanku ma weerari doonaa Iran?
Maraykanka, oo leh awood ciidan oo aad u weyn, ayaa muujinaya in uu diyaar u yahay tallaabo militari oo ka dhan ah Iran.
Sanadkii hore, ciidamada cirka Mareykanka ayaa weeraray xarumo Nukliyeer oo ku yaalla Iran, iyadoo la adeegsaday diyaarad B-2 iyo bamamka culus ee Bunker Buster.
Hadda, waxaa la isweydiinayaa in Maraykanku mar kale qaadi karo weerar cusub.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Iran ay waqti yar haysato, isla markaana uu doonayo inay wadaxaajood degdeg ah gasho oo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Maraykanka waxa uu ku sugan yahay Bariga Dhexe kumannaan askari iyo saldhigyo ciidan oo ku kala yaalla dalal ay ka mid yihiin Qatar, Jordan, Sucuudi Carabiya, Bahrain, Cumaan iyo Imaaraadka Carabta.











