Kampala, Uganda – May 11, 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta gaaray magaalada Entebbe ee dalka Uganda, halkaas oo uu uga qeyb galayo munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Uganda oo ay isugu imaanayaan madax, diblomaasiyiin iyo wufuud heer caalami ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Entebbe waxaa si rasmi ah ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Uganda, Robinah Nabbanja, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Uganda, kuwaas oo muujiyay muhiimadda xiriirka labada dal.
Safarkan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya xilli Soomaaliya iyo Uganda ay leeyihiin xiriir istiraatiiji ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Dowladda Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo qeyb muhiim ah ka qaata howlgalka Midowga Afrika ee taageerada amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wararka laga helayo wafdiga Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda Uganda iyo hoggaamiyeyaal kale oo ka qeyb galaya munaasabadda, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, iyo arrimaha gobolka.
Ka qeybgalka Madaxweynaha Soomaaliya ee munaasabaddan ayaa muujinaya dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka iyo kor u qaadista wada shaqeynta caalamiga ah ee ku aaddan nabadda iyo horumarka Soomaaliya.












