Muqdisho – May 11, 2026 – Madasha Samata-Bixinta Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed culus kasoo saartay dhacdooyinkii la xiriiray bannaanbaxii nabadeed ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoo dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ku kacday tacaddiyo, caburin siyaasadeed iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka Soomaaliyeed.
Warsaxaafadeedka oo ka koobnaa labo bog, kuna taariikheysnaa 11-ka May 2026, ayaa Madashu ku sheegtay in bannaanbaxyada nabadeed ay yihiin xuquuq dastuuri ah oo shacabka u bannaan, islamarkaana aysan dowladdu xaq u lahayn inay awood ciidan ku joojiso mudaharaadyo nabadeed.
“Bannaanbaxu Waa Xuquuq Dastuuri ah”
Madasha Samata-Bixinta Soomaaliyeed ayaa xustay in qodobka 20-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah uu dammaanad qaadayo xorriyadda isu imaatinka iyo bannaanbaxyada nabadeed.
Waxay sheegeen in markii hore ay si rasmi ah dowladda ugu wargeliyeen goobta iyo waqtiga bannaanbaxa si loo sugo amniga loona ilaaliyo nidaamka, balse taa beddelkeeda ay dowladdu qaaday tallaabooyin ay ku tilmaameen “caburin iyo awood adeegsi.”
Madasha ayaa ku eedeysay dowladda inay diidday goobihii loo qorsheeyay bannaanbaxa, isla markaana ay ciidamo badan ku daabushay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka goobaha ay mucaaradku ku qorsheeyeen isu soo baxooda.
Eedeymo Ku Saabsan Adeegsiga Ciidamada Ammaanka
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay rasaas nool u adeegsadeen dibadbaxayaal nabadeed oo ku sugnaa degmada Dayniile, taasoo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Madashu waxay sidoo kale sheegtay in waddooyin badan la xiray, gaadiidkii iyo isu socodkii shacabka la hakiyay, halka guryaha qaar ee siyaasiyiinta mucaaradka lagu hareereeyay ciidamo amni.
Waxay intaas ku dareen in xildhibaanno, siyaasiyiin iyo dhalinyaro taageersan mucaaradka loo geystay handadaad, xarig iyo cabsi gelin siyaasadeed.
Dowladda oo Lagu Eedeeyay Hurinta Xiisadda
Madasha Samata-Bixinta Soomaaliyeed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay inuu sii hurinayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, islamarkaana uu adeegsanayo awoodda dowladda si loo caburiyo mucaaradka iyo shacabka aragtidooda cabbiraya.
Waxay sheegeen in hadallo kasoo baxay madaxda dowladda, oo mucaaradka loogu yeeray “cadawga dalka,” ay yihiin kuwo sii kordhinaya colaadda siyaasadeed iyo kala qeybsanaanta bulshada.
Sidoo kale, Madashu waxay cambaareysay hadallo lagu xiriiriyay kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, iyagoo ku tilmaamay eedeymahaas kuwo lagu marin habaabinayo shacabka laguna sharciyeynayo tallaabooyinka adag ee ka dhanka ah mucaaradka.
Qodobada Ay Madashu Dalbaneyso
Warsaxaafadeedka waxaa lagu soo bandhigay dhowr qodob oo ay Madasha Samata-Bixinta Soomaaliyeed dalbaneyso, kuwaas oo ay kamid yihiin:
- In si degdeg ah loo joojiyo cabsi gelinta iyo xarigga sharci darrada ah ee lagu hayo siyaasiyiinta iyo shacabka.
- In baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dilalka iyo dhaawacyada ka dhacay bannaanbaxyadii Muqdisho.
- In la sii daayo dhammaan dhalinyarada iyo dadka loo xiray aragtidooda siyaasadeed.
- In ciidamada laga dulqaado guryaha iyo xarumaha siyaasiyiinta mucaaradka.
- In la ixtiraamo xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka Soomaaliyeed.
- In dowladda joojiso hadallada iyo ficillada sii hurinaya colaadda siyaasadeed.
Bannaanbax Kale oo Lagu Baaqay 16-ka May
Madasha Samata-Bixinta Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday bannaanbax kale oo nabadeed oo la qorsheeyay inuu ka dhaco Muqdisho maalinta Sabtida ah ee 16-ka May 2026.
Madashu waxay sheegtay in aysan aqbali doonin “isku day kasta oo lagu xaddidayo ama lagu hagayo xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka Soomaaliyeed,” iyagoo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah uga qeyb qaataan mudaharaadka cusub.
Dhanka kale, xaaladda amni ee Muqdisho ayaa weli kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in xiisadaha siyaasadeed ay sii xoogaystaan maalmaha soo socda, xilli dowladda iyo mucaaradku ay isku hayaan arrimo la xiriira doorashooyinka, sharciyadda siyaasadeed iyo jihada maamulka dalka.
![]()
![]()













