St. Paul, Minnesota — Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ayaa dacwad ku soo oogay laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah u haysteen qoryo loo beddelay “machine gun,” iyadoo falalkooda lala xiriiriyay rasaas ka dhacday xaflado qalin-jabin oo ka dhacay aagga Twin Cities.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Hamza Abdirashiid Said, 20 jir, iyo Amiir Mawlid Ali, 18 jir. Labaduba waxay kasoo hor muuqdeen maxkamad federaal Talaadadii, waxaana weli lagu hayaa xabsi inta ay socoto dacwaddooda.
Rasaas ka dhacday xafladda Wayzata High School
Said ayaa la xiray 30-kii May kadib dhacdo rasaaseed ka dhacday bannaanka xafladda qalin-jabinta Wayzata High School, oo lagu qabtay xarunta Mariucci Arena ee Jaamacadda Minnesota.
Booliska Jaamacadda Minnesota ayaa goobta yimid kadib markii la soo sheegay in laba qof lagu dhaawacay rasaas dhex martay dad badan oo buuq ka jiray. Baaritaan iyo muuqaallo kaamirada laga helay ayaa sababay in la aqoonsado Said, iyadoo lala helay qori nooca Glock 9mm ah oo watay magazine weyn iyo qalab “switch” ah, kaas oo qoriga ka dhiga mid si toos ah u rida rasaas badan hal mar.
Qori kale oo la beddelay oo la helay
Afar maalmood kadib, 3-dii Juun, booliska Minneapolis ayaa joojiyay gaari jabiyay calaamada “stop” isla markaana si xawaare ah uga gudbay isgoys.
Mid kamid ah rakaabka gaariga ayaa ahaa Ali, oo saraakiishu sheegeen in lala xiriiriyay dhacdooyin rasaaseed oo gang ah. Inta lagu guda jiray baaritaanka, boolisku waxay heleen qori Glock 10mm ah oo ku jiray kursiga hoostiisa, kaas oo watay magazine dheer oo qaada 33 xabbo iyo qalab “switch” sharci darro ah.
Ali iyo dadka kale ee gaariga saarnaa ayaa booliska u sheegay inay u socdeen xaflad qalin-jabin oo Edina High School ah, oo lagu qabanayay xarunta Jaamacadda Minnesota.
Xarig kale iyo eedeymo dheeraad ah
Ali ayaa mar kale la xiray 6-dii Juun kadib rasaas kale oo ka dhacday xaflad qalin-jabin oo Burnsville High School ah.
Sidoo kale, diiwaannada wicitaannada xabsiga ayaa muujiyay in Ali uu sheegay inuu doonayo inuu helo “button” kale—eray kale oo loo isticmaalo qalabka “switch”—marka la sii daayo.
Hadalka dowladda federaalka
Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Mareykanka, Joseph H. Thompson, ayaa si adag uga hadlay dhacdooyinkan, isagoo sheegay in xafladaha qalin-jabintu ay yihiin munaasabado muhiim u ah qoysaska iyo bulshada.
“Xafladaha qalin-jabintu waa waqti lagu dabaaldego guul weyn. In halkaas lagu keeno hub halis ah iyo rabshad waa wax aan la aqbali karin,” ayuu yiri.
Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay si adag ula tacaali doonto cid kasta oo ku lug leh falalka noocan ah, iyadoo la adkeynayo tallaabooyinka sharciga ee ka dhanka ah hubka sharci darrada ah.











