Kusimaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta soo saaray go’aan rasmi ah oo shaqada looga joojiyay lix xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Tallaabadan ayaa ka dhalatay qalalaase iyo carqaladeyn lagu sameeyay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka, kaas oo qabsoomay 7-dii Febraayo 2026. Xildhibaanadan ayaa laga mamnuucay ka qaybgalka laba iyo toban (12) fadhi, kuwaas oo isugu jira fadhiyada wadajirka ah iyo kuwa caadiga ah ee Golaha Shacabka, laga bilaabo taariikhda 9-ka Febraayo 2026.
Magacyada xildhibaanada la ganaaxay ayaa kala ah:
-
Abdirahman Abdishakur Warsame
-
Abdilatif Muse Nur (Sanyare)
-
Abdikadir Hussein Abdi (Uurdoox)
-
Said Dahir Ismail
-
Ahmed Abdi Koshin
-
Abdishakur Ali Mire
Go’aankan ayaa lagu saleeyay qodobbada 4-aad, 14-aad, 16-aad, iyo 28-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, kuwaas oo siinaya Guddoonka awood buuxda oo lagu ilaalinayo nidaamka iyo habsami u socodka hawlaha baarlamaanka. Waxaana tallaabadan loo qaadday si loo xaqiijiyo in kulamada Golaha Shacabka ay u dhacaan si nidaamsan oo ammaan ah, isla markaana loo ilaaliyo sharafta iyo karaamada xubnaha kale ee baarlamaanka.
Dhanka kale, Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa sidoo kale soo saaray go’aan maamul oo ku saabsan Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan, kaas oo 12 kulan looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Gole. Go’aankan ayaa ka dambeeyay falal ku xadgudub ah oo Senator-ku ku kacay intii uu socday kulanka wadajirka ah ee labada Gole, kaas oo dhacay 7-dii Febraayo 2026, isagoo carqaladeyn ku sameeyay habsami u socodka fadhiga.
Sidoo kale, Taliska Amniga ee Golaha Shacabka ayaa la faray in ay si buuxda u fuliyaan go’aankaas si loo sugo nabadgelyada, badqabka, iyo ammaanka xubnaha kale ee Baarlamaanka. Guddoonka labada Aqal ayaa ku adkeeyay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin ilaalinta xeerarka iyo xasilloonida shaqada baarlamaanka, isla markaana ay ka tarjumayso kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee xubnaha wakiilka ka ah.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku booriyay dhammaan xildhibaanada in ay dhowraan xeer-hoosaadka, nidaamka, iyo anshaxa shaqada baarlamaanka, si loo gaaro hawl-wadaag miro-dhal ah oo ka tarjumaya danaha qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.










