• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Tuesday, February 10, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
    • Home 1
    • Home 2
    • Home 3
    • Home 4
    • Home 6
  • Sports
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Egypt and Saudi Arabia focus on Eritrea as UAE bolsters ties to Ethiopia

    Madaxweyne Erdoğan oo Booqasho Ku Tagay Sacuudi Carabiya iyadoo Xiriirka Turkiga iyo Riyadh uu Kululaaday

    Iran’s Khamenei warns any U.S. attack would spark ‘regional war’

    Israel bans MSF from Gaza after charity refuses to hand over staff list

    Hogaamiyaha Iraan Ayatollah Ali Khamenei oo ka digay weerar uga yimaada Mareykanka iyo saameynta ka dhalan doonta

    Iranians seal windows and store food and water as they prepare for attack

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • Tech
    Micron to buy Taiwan chip fabrication site for US$1.8b

    • Nintendo Switch
    • CES 2017
    • Playstation 4 Pro
    • Mark Zuckerberg
  • Entertainment
    • All
    • Sports
    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • Lifestyle

    Trending Tags

    • Golden Globes
    • Game of Thrones
    • MotoGP 2017
    • eSports
    • Fashion Week
No Result
View All Result

RW Xamse oo la kulmay Wasiiru-Dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha Jarmalka

0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, kaas oo uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, Mudane Niels Annen. Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Safiirka Dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyey arrimaha horumarinta, gargaarka bini’aadantinimo, amniga, iyo wada-shaqeynta dhinaca siyaasadda. Labada dhinac ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal, si loo taageero dadaallada dib-u-dhiska, xasillinta iyo horumarinta waarta ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga Jarmalka la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka, isaga oo si gaar ah u xusay saameynta abaarta ba’an ee ka jirta qaybo ka mid ah Soomaaliya iyo baahida loo qabo in la kordhiyo gargaarka bini’aadantinimo. Waxa uu sidoo kale ka hadlay guulaha la taaban karo ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay cadowga, iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo amni waara.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga uga warramay horumarka ka socda dhinacyada siyaasadda iyo dowlad-dhiska, oo ay ka mid yihiin dardargelinta hirgelinta doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka, si loo xoojiyo wada-tashiga qaran iyo midnimada bulshada.

Dhankiisa, Wasiiru-Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka, Mudane Niels Annen, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta iyo wada-xaajoodka miro-dhalka ah. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Jarmalka ay muhiimad weyn siinayso xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada kala dhaxeysa Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Gabagabadii kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto ka-qaybgalka firfircoon ee dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo xasiloonida adduunka, gaar ahaan doorka ay Soomaaliya ka qaadanayso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay xubin aan joogto ahayn ka tahay.

Previous Post

Wasiirka amniga oo la kulmay madax ka tirsan boqortooyada Sucuudiga

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Kulamo Heer Sare ah la yeeshay Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi

Ali Baashi

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • Home 4
    • News