Jabuuti — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa khudbad uu ka jeediyey Golaha Qaranka ee Jabuuti ku bogaadiyey taageerada dalkaasi u fidiyey Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqaynta labada baarlamaan.
Guddoomiyaha, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jabuuti, ayaa khudbaddiisa ku bilaabay mahadnaq iyo salaan uu ku sheegay inuu ka siday shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay af, dhaqan, taariikh iyo xiriir qoys oo ka dhexeeya labada shacab.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si gaar ah u xusay doorkii Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, martigelintii Shirkii Nabadda ee Carta iyo taageerada dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale ku ammaanay Madaxweynaha Jabuuti mowqifkiisa ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xusuusan doonaan taageeradaas, aqoonsiga kaalinta Jabuutina loo gudbin doono jiilasha soo socda.
Dhinaca amniga, waxa uu bogaadiyey ciidamada Jabuuti ee loo yaqaan Hiil-walaal, isagoo ku ammaanay doorkooda nabadeynta iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee gudaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn ku baaqay in labada baarlamaan ay ballaariyaan iskaashigooda, gaar ahaan is-weydaarsiga khibradaha, horumarinta hay’adaha sharci-dejinta iyo xoojinta xiriirka baarlamaaniga ah. Waxa uu sheegay in wada-shaqayntaasi ay sii adkayn karto xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
![]()
![]()
![]()
![]()













