Moscow – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa kulan la yeeshay Igor Zubov, oo ah Xoghayaha Dowladda, ahna Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Ruushka. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga amniga ee labada dal, gaar ahaan tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa lagu falanqeeyey horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha booliska, is-weydaarsiga khibradaha iyo xoojinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday baahida loo qabo tababarro la xiriira la-dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah. Waxa kale oo uu kala hadlay dhinaca Ruushka iskaashiga wax looga qaban karo sababaha horseeda xagjirnimada.
Wadahadalladu waxay sidoo kale taabteen baarista dambiyada iyo amniga internetka, iyadoo labada dhinac ay ka arrinsadeen sidii hay’adaha amnigu ula tacaali lahaayeen khataraha cusub ee soo kordhaya.
Dhankiisa, Igor Zubov ayaa, sida lagu sheegay warka SONNA, muujiyey in Ruushku diyaar u yahay inuu Soomaaliya la wadaago aqoon, khibrado iyo tababarro ku saabsan la-dagaallanka dambiyada iyo sugidda amniga.
Kulankan ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha ee lagu xoojinayo xiriirka hay’adaha amniga Soomaaliya la leeyihiin dalalka kale, laguna horumarinayo awoodda booliska. Warka laguma faahfaahin heshiis la saxiixay, tirada saraakiisha tababarka ka faa’iidaysanaysa ama jadwalka lagu fulinayo qodobbada laga wada hadlay.












