Sida ay Shabeelle u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka, kulan dhexmaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) Mahad Mohamed Salad ayaa xal looga gaaray arrimihii maalmihii u dambeeyay ka taagnaa habraaca amniga ee Garoonka Diyaaradaha Aden Adde International Airport.
Labada mas’uul ayaa isla gartay in madaxda hore ee dalka loo oggolaado tiro kooban oo ilaalo ah inay la galaan gudaha garoonka. Sidoo kale, waxaa la isku afgartay in madaxda mucaaradka ay laamaha amniga sii wargeliyaan marka ay ku wajahan yihiin garoonka, si loo fududeeyo habraacyada amniga.
Go’aannada kale ee la isla meel dhigay waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya 5-ta galabnimo aan la adeegsan karin albaab aan ka ahayn kan Marina Gate, si loo adkeeyo nidaamka gelitaanka iyo bixitaanka.
Dhanka kale, warar ay heshay Shabeelle TV ayaa sheegaya in ay jirto warqad cabasho ah oo ka timid ciidanka (AUSSOM), taas oo lagu sheegay in aysan suurta gal ahayn in garoonka lala galo hub iyo ciidamo tiro badan, iyadoo la tixgelinayo xaaladda amni iyo joogitaanka mas’uuliyiin sare.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in hotelka ku yaalla gudaha aagga garoonka ay degan yihiin hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ay weheliyaan ciidamo ilaalo ah oo ay wataan, arrintaas oo keentay walaac la xiriira isku-dhafka hubka iyo amniga garoonka.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay jireen is-maandhaafyo la xiriira dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo sugidda amniga xarumaha muhiimka ah ee caasimadda.










