Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku qaabileen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xildhibaano, saraakiil amni, iyo xubno kale oo heer federaal iyo dowlad-goboleed ah.
Imaanshaha Madaxweyne Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa la filayaa inuu la xiriiro kulamo muhiim ah oo uu la yeelan doono hoggaanka Dowladda Federaalka, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha siyaasadda, wada-shaqeynta federaalka iyo dowlad-goboleedyada, amniga dalka, iyo ajendayaal kale oo qaran oo mudnaan gaar ah leh.
Waxaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo ujeedada safarka Madaxweynaha iyo kulamada uu la qaadan doono madaxda dowladda inta uu ku sugan yahay caasimadda.











