Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista ee labada dal.
Heshiiskan cusub ayaa ujeedadiisu tahay in la dhiso hannaan rasmi ah oo fududeynaya iskaashiga tacliimeed, is-weydaarsiga aqooneed, iyo cilmi-baarista wadajirka ah ee jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Qodobada muhiimka ah ee Heshiiska waxaa ka mid ah:
-
Is-weydaarsiga ardayda, macallimiinta, iyo cilmibaarayaasha labada dal
-
Taageeridda barnaamijyo tababar iyo cilmi-baaris gaagaaban
-
Abaabulka shirar, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo siminaarro wadajir ah
-
Hirgelinta barnaamijyo shahaado-wadaag ah (Bachelor, Master, iyo PhD)
-
Fududeynta arrimaha deeqaha waxbarasho iyo aqoonsiga shahaadooyinka
-
Ilaalinta xuquuqda hantida aqooneed (Intellectual Property) ee ka dhalata cilmi-baarista, iyadoo la raacayo shuruucda qaran iyo heshiisyada caalamiga ah
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xusay in heshiiskan uu xoojinayo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana uu sare u qaadayo tayada waxbarashada sare iyo horumarinta cilmi-baarista gudaha dalka.
Dhanka kale, Wasiirka Tacliinta Sare ee Jabuuti, Mudane Nabiil Maxamed Axmed, ayaa tilmaamay in iskaashigan uu fursado muhiim ah u abuuri doono ardayda iyo macallimiinta labada dal, isla markaana uu gacan ka geysan doono horumarinta aqoonta, xirfadaha cilmiyeed, iyo kobcinta wada-shaqeynta gobolka.
Heshiiskan ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee labada dowladood ay ugu jiraan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah, horumarinta tacliinta sare, iyo dhisidda mustaqbal ifaya oo loogu talagalay jiilasha soo koraya. Waxaa la filayaa in dhaqangelinta heshiiskan ay dhiirogelin doonto barnaamijyo waxbarasho iyo cilmi-baaris oo muddo dheer soconaya, ayna horseedi doonto kor u qaadista tayada aqoonta ee jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista.











