• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Wednesday, February 11, 2026
qaranimo.com
  • Wararka Maanta
    • Home 1
    • Home 2
    • Home 3
    • Home 4
    • Home 6
  • Sports
    • All
    • Business
    • Politics
    • World
    Egypt and Saudi Arabia focus on Eritrea as UAE bolsters ties to Ethiopia

    Egypt and Saudi Arabia focus on Eritrea as UAE bolsters ties to Ethiopia

    Madaxweyne Erdoğan oo Booqasho Ku Tagay Sacuudi Carabiya iyadoo Xiriirka Turkiga iyo Riyadh uu Kululaaday

    Madaxweyne Erdoğan oo Booqasho Ku Tagay Sacuudi Carabiya iyadoo Xiriirka Turkiga iyo Riyadh uu Kululaaday

    Iran’s Khamenei warns any U.S. attack would spark ‘regional war’

    Iran’s Khamenei warns any U.S. attack would spark ‘regional war’

    Israel bans MSF from Gaza after charity refuses to hand over staff list

    Israel bans MSF from Gaza after charity refuses to hand over staff list

    Hogaamiyaha Iraan Ayatollah Ali Khamenei oo ka digay weerar uga yimaada Mareykanka iyo saameynta ka dhalan doonta

    Hogaamiyaha Iraan Ayatollah Ali Khamenei oo ka digay weerar uga yimaada Mareykanka iyo saameynta ka dhalan doonta

    Iranians seal windows and store food and water as they prepare for attack

    Iranians seal windows and store food and water as they prepare for attack

    Trending Tags

    • Trump Inauguration
    • United Stated
    • White House
    • Market Stories
    • Election Results
  • Tech
    Micron to buy Taiwan chip fabrication site for US$1.8b

    Micron to buy Taiwan chip fabrication site for US$1.8b

    Trending Tags

    • Nintendo Switch
    • CES 2017
    • Playstation 4 Pro
    • Mark Zuckerberg
  • Entertainment
    • All
    • Sports
    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ku biiray hoggaanka sare ee CECAFA

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Trump says ‘massive armada’ will strike Iran with ‘speed and violence’ unless deal made

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

    Senegal beat Morocco after walking off pitch in extraordinary AFCON 2025 final

  • Lifestyle

    Trending Tags

    • Golden Globes
    • Game of Thrones
    • MotoGP 2017
    • eSports
    • Fashion Week
No Result
View All Result

Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray

Imaanshaha Axmed-Madoobe ee Muqdisho ayaa loo arkaa tijaabo siyaasadeed!

Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray
0
SHARES
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Imaanshaha Madaxweyne Axmed-Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ee magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo shirka wadatashiga siyaasadeed ee ay ku baaqday Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa dhaliyay su’aalo siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo la xiriira in tallaabadan ay ka dhigan tahay aqoonsi rasmi ah oo Dawladda Federaalku siisay, ama in ay tahay tanaasul siyaasadeed oo cadaadis ku yimid natiijadiisu.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday gogol wadahadal siyaasadeed oo ay isugu yeertay hoggaamiyaasha mucaaradka iyo madaxda dawladgoboleedyada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Qabashada gogashan ayaa ka mid ahayd qodobbadii ka soo baxay shir dhowaan mucaaradku ku qabsadeen magaalada Kismaayo, waxaana aqbalay dhammaan dhinacyadii lagu casuumay.

Axmed-Madoobe ayaa ka mid ah madaxda la filayo in ay ka soo qeybgalaan shirka Muqdisho, inkastoo uu muddo ku dhow labo sano kaga maqan yahay Golaha Wadatashiga Qaran khilaaf xooggan oo ka dhashay hannaanka doorashadii uu Kismaayo ku qabsaday.

Khilaafkaas ayaa gaaray iska-hor-imaad ciidan oo ka dhacay degaannada Raaskambooni iyo gobolka Gedo, taas oo sii adkaysay isu-soo-dhowaanshaha labada dhinac.

Sidoo kale, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah u aqoonsan dib-u-isu-doorashadii uu Axmed-Madoobe ku soo baxay ee Jubbaland, sida uu dhowaan magaalada Laascaanood ka sheegay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxaa intaas dheer, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa warqad sooqabsho ah u jartay Madaxweyne Axmed-Madoobe, taas oo sii murjisay xiriirka labada dhinac.Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah: ka qeybgalkiisa shirka Muqdisho ma wuxuu la micno yahay in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay aqoonsatay Axmed-Madoobe?

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa qaba in kasooqeybgalka shirka uusan si toos ah u ahayn aqoonsi sharci ama mid siyaasadeed, balse uu yahay tallaabo lagu muujinayo diyaar u ahaansho wadahadal, iyadoo laga duulayo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo xasillooni siyaasadeed.

Dhinaca kale, waxaa jira aragti kale oo tibaaxaysa in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay wajahayso cadaadis gudaha kaga imaanaya iyo mid dibabeed, si loo mideeyo hoggaanka siyaasadeed ee dalka, loona abuuro jawi wadashaqayneed oo lagu wajaho arrimaha doorashooyinka iyo amniga, maadaama xilli kalaguur ah dalku galayo.

Ilaa iyo hadda, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya kama aysan hadlin in kaqeybgalkiisa shirka uu beddelayo mawqifkeedii hore ee ku aaddanaa u aqoonsiga Axmed-Madoobe Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo sidoo kale, maamulka Jubbaland uusan soo saarin war rasmi ah oo arrintan ku aaddan.Si kastaba ha ahaatee, imaanshaha Axmed-Madoobe ee Muqdisho ayaa loo arkaa tijaabo siyaasadeed oo muujin doonta jihada cusub ee aadayo xiriirka u dhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo maamulgoboleedyada dalka, gaar ahaan kuwii ay hore u kala irdhoobeen.

Previous Post

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚

Next Post

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo lagu weeraray goob ay khudbad ka jeedinaysay

Auther

Auther

Written by Qaranimo Online Contributor A dedicated writer and contributor at Qaranimo Online, focusing on delivering accurate, engaging, and informative content. Passionate about journalism, media, and storytelling that informs, educates, and empowers the community.

Next Post
Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo lagu weeraray goob ay khudbad ka jeedinaysay

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo lagu weeraray goob ay khudbad ka jeedinaysay

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.

No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
    • Home 4
    • News
    • Home 1
    • Home 2
    • Home 3
    • Home 4
    • Home 6

© 2026 Qaranimo.com – Independent news, analysis & opinion.