Toronto | QOL | May 24, 2015 – Shaqsi aan saaxiibo nahay ayaa wuxuu ii soo diray laba sawir isagoo ii sheegay inay labada sawirba yihiin taallooyinkii Sayid Maxamed Cadulle Xasan.
Mid waan ka warqabaa xilligii laga taagayay barxadda Weliyoow Cadde ee Xamar oo aan daawasho u imid maalintaa, iyadoo habeenkii taalada Sayidka la dejinayayna dhawaaq aad looga argagaxay ka maqlay meel aan sidaa uga fogeyn.
Laakiin tan kale wuxuu ii sheegay in laga taagay bartamaha Jigjiga ee degaanka Soomali Galbeed, isagoo i weeydiiyay inaan u fasiro in Sayid Maxamed taariikhdiisu ay dhulkaa ka dhacday iyo in loola jeedo in uu dhulkaa u dhashay.
Hadaba waxaan qormadeeydan ku soo qaadan doonaa dhamaan taalooyinka halgamayaasha ee ka taagnaa magaalada Muqdisho sida lagu hergeliyay barashadooda iyo halka taariikhdaasi xaqiiqdeedu salka ku heeyso, waxaan kaloon is weeydiin doonaa:-
Ma taariikh run ah oo loo baahan yahay in la barto lana xuso ?
Hadii ay jiraan taariikhahaasi, Soomaliduna ay halyeeyadaas leedahay dadka Soomaaliyeed ma u wada aqoonsan yihiin raggaas iyo dumarkaas inay lahaayeen Taariikhdaas ?
Xagee iyo ciddee laga soo xigtay, Ma buugaag ay gumeystuhu qoreen kana qoreen habkii ay noo kala qeeybiyeen iskuguna direen Soomaalidii Juhalada ahayd ee xilligii Isticmaarku wadanka Imanayay ku soo dhaweeyay in dadkooda dusha laga rarto, mise waxaa uu isticmaarku ka xigtay Soomaalidii ducufada aheyd ee xilligaa daba dhilifka u ahayd waxii ay u sheegeen ?
Ma waxay ahaayeen halyeeyadii ugu wadanisanaa uguna qatarta badnaa gumeystaha mise waxay ahayd barnaamij taariikh abuurid ?
Ereyga “Taariikh” waa sooyaal isugu jira wax aad ka warqabtid ama aad u soo joogtay ka hadlidooda iyo wax aadan soo gaarin oo lagaaga sheekeeyo, laakiin hadana waxaa jirta taariikh lagaaga sheekeeyo lana buunbuuniyo adigoo da’yarna waalidkaa ama macalin iskuul kuu dhigaahi kaaga sheekeeyo taasoo aad rumeeysatid, xitaa hadii garaadkaadu koro aadan beenin karin kuna barbaartid been ama runtaa lagu shubay caqligaada curdun ahaa.
Luqadda dadka beni’aadanka ah ku hadlaan waa dhawaaq ay bulsho meel degan isku af gartaan, Canugu markuu dhashana waxa luqad u noqda tan ay kula hadasho hooyadii, taasoo ay luqadu u qaadatay Afka Hooyo, Sayid Maxamed Cabdulle iyo rag iyo dumar kale oo xilliyadii xornimada Soomaaliya qaadatay maamuladii jiray aysan haba yaraatee xusin, waxay taariikhdoodu la curatay afka Hooyo iyo xilligii kacaanka, iyadoo manhajkii waxbarashada Soomaaliyana ay ka mid noqotay.
Taalooyinka magaalada Muqdisho laga taagay waxaa ugu caansanayd uguna qarash badneyd Taalo aad u qurux badan nin Faras si fiican loo xardhay saaran yahay oo dadkii Muqdisho deganaa aysan aqoon u laheyn laga taagay bartamaha maagaalada Muqdisho, loogana sheekeeyay taariikhdiisa iyo gabayadiisa warbaahintii qaranka laguna sheegay halyeey xornima u dirir ahaa iyadoo taariikhdiisa buugaag lagu daabacay, aflaan qarash badan ku baxayna laga sameeyay, waqti badana Muqdisho 14kii Shaleemo ee ku yaalay loogu daawasho tegi jiray.
Waxaa kaloo laga taagay magaalada Muqdisho Taalooyinka Xaawa Taako, Dhagaxtuur iyo Taaladii SYL oo ay dadka Magaalada Muqdisho taariikh ahaan ku muransanaayeen habka sheekooyinkoodu u dhaceen iyo tii ugu danbeeysay ee Axmad Gureey oo shaki weyn ku jiro inuu ahaaba nin Soomaali ah, meel halgankiisa lagu xusuustaana ula ekeeyd dadka reer koonfur sheeko xariir .
Waxaa kale oo iyana jiray halyeeyo waaweeyn, Murtiyahano, sheeko xariiro iyo dad bulshadaas ay ka tirsanaayeen caan ka ahaa oo Soomaali ah una badnaa dadka degaamada waqooyi bari, Waqooyi galbeed, Bari, Mudug iyo dhulka Soomaali Galbeed ka soo jeeday oo gabayadooda iyo taariikhdooda aad loogu baray ubadkii xukuumadii kacaanka, iyadoo taariikho badan oo dadka koonfurta Soomaaliya deganaa lahaayeen la daboolay, taariikhahaas oo lagu kala xusay heerar dugsiyo H/dhexe iyo Sare iyo meelo xusuus badan lahaa.
Halyeeyadaa iyo ragaa qaarkood gabyi jiray qaarna reerohooda magac kulahaa oo la isku dhafay taariikhdooda waxaan ka soo qaadan karaa kuwooda ugu waaweeynaa:-
Sheekh Xasan Barsane, Macalin Jaamac, Raage Ugaas, Wiilwaal, Ismaaciil Mire, Timacade, Cigaal Shiidaad, Qamaan Bulxan, Salaan Carabeey, Cimi Boodhari, Maxamuud Xarbi, Sheekh Bashiir, Sheekh Madar, Jeneral Daa’uud, Jaalle Siyaad, Xalane, Nasiib Buundo, Lafoole iyo 13kii dhalinyaro ee SYL oo dhamaantood midkiiba lagu magacaabay dugsiyo sare iyo H/dhexe.
Fulinta barnaamijyadaas dowladdii kacaanku waxay u adeegsatay rag aan ka tilmaami karo Axmed Faarax Cali Idaajaa ahaana madaxii Akadeemiyaddii dhaqanka iyo suugaanta ahaana nin si fiican u diyaarsaday barnaamijyadaas kana sheekeeyn jiray ragaas halyeeyada ah ilaa iyo maantana ka sheekeeya taariikhdaas iskuna xiri jiray rag aftahano iyo gabayaa ah iyo Sayid Maxamed, una ekeeysiin jiray dhacdo jirtay waagaa iyadoo ragga uu ukala dabqaadayo ama xiriirinayo laga yaabo inaanay isku xilli joogin, isagoo ka faa’iideeysanaya aqoondarida Soomaalida xilligaa jirtayna warka siduu doono u sheegi jiray.
Mar la weeydiiyay Idaajaa sababta sheekooyinkiisu ugu badan yihiin dhulkaa waqooyiga gabayada uu tixraacaana ay dhankaa uun yihiin wuxuu ku jawaabay inaanu aqoon u lahayn taariikhda koonfurta.
Ridistii xukuumadii Kacaanka taariikhdaas iyo taallooyinkaaba way is raaceen, waana ay ka baxeen xusuusta dadka qaasatan reer Muqdisho deganaa oo ahayd xaruntii lagu xusay halyeeyadaa, iyagoo ku tilmaamay taalooyinkaas iyo kuwo kaleba inaan loo baahneyn in wax aan la ogeyn in ay run yihiin ama lamala awaalayo in caruurta lagu abuuro iskuuladana lagu baro wax aan la hubin sida lagu sheegayo, taasoo dadka qaarkood ugu yeeraan Taariikhaha Hooyo ee Kacaanka la curatay lana dhacday.
Tusaale hadii aan u soo qaato ardaydii wax ku baratay dugsiyada xilligii kacaanka waxa lagu baray Sayid Maxamed inuu 1895 ka soo degay xeebta Berbera isagoo xajka ka yimid ahaana nin wadaad ah diintana dadka bara, islamarkaana dhukaa Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi bari xer farabadan ku lahaa dhaqdhaqaaq gumeysi diidna ka waday dhulkaas, islamarkaana ahaa nin ay xushmad u hayeen beelaha Soomaaliyeed ee dhulalkaas deganaa, iyadoo markii aad fiirisid gabayadii Sayidka intooda badan ee aanan waxbarashada lagu darin aad ka arki kartid inuu ahaa Sayid Maxamed nin Hogaamiye beeleed aftahan ah ama nin gabayaa ahaa lahaana awood uu ku maquuniyo danihiisa, degaamadaa uu ka talin jirayna ka gabyi jiray arimo badan oo beelaha goboladaas dega ku saleeysnaa.
Waxaa la yiri been hadaad sheegtid oo ay beentaasi faafto marka danbe adigi sheegay ayay kugu soo noqotaa kedibna rumeysta beentii aad sheegtay kana keena dood aad ku rumeyneysid ama ku beenineeysid beentaadi faaftay, waxaan ulajeeda anigoo aan qireyn ama diideen inay jiraan taariikhahaas la qoray, hadana waxaan aragnaa in dadka qaarkod ku doodaan inay yihiin wax jira rumeysan yihiina halka qaar kale ay aaminsan yihiin inay yihiin taariikh la been abuuray, iyadoo laga yaabo in kan qiraya iyo kan dafirayaba ay hal fasal wada fadhiyeen isku saacadna casharkaa wada qaateen.
Xukuumadii taariikhda Sayidka iyo taarikh halyeeyada ku dartay manhajka waxbarashada markii ay meesha ka baxday dagaal sokeeyana wadanku galay, bulshaweyntii Muqdisho deganeyd si kastaba halagu macneeyee waxaan u fasirtay inay u arkeen in taalo aan dhulkan taariikh ku lahayn iyo mid ku lehba aysan bartamaha Magaalada Muqdisho ka taagnaanin, maadaama xukuumad dadku aad u naceen ay taalooyinkan iyo taariikhdaas iyadu biloowday kuna fikireen ineey tirtiraan wax waliba oo lagu xusuusan karo xilliyadii mugdiga ahaa ee xukuumadii kacaankii barakeeysnaa.
hadaba Taalooyinkaasi iyo taariikhdoodu ma waxay noqon doonaan kuwa la iloobo mise waxay noqon doonaan kuwo tol yeesha oo halyeey kasta dhulka uu ka soo jeedo laga taagi doonaa maadaama wadanku federal-qabiileed noqday oo ay noqon doontaa in qolo waliba halyeey beeleedkeeda qiimeeysato kan kalana ka tago, sida ka muuqata taalada Sayid Maxamed oo maanta ka taagan dhulka aan u naqaano Soomaali Galbeed oo haba yaratee wax taariikhdii nalaga baray Sayidka ka quseeya aysan jirin marka laga reebo inuu ka soo jeedo kuna geeriyooday.
Dhulkaa oo dhiig badan oo Soomaali ka mudan Sayid Maxamed xusuustiisa ku daatay xornimo u raadintiisii, ahna gees ka mid ah xiddigta shanta gees leh ee calanka Soomaaliya dhexda kaga taala gacan gumeeysina ku jira, haba yaraateena aan la fasiri karin micnaha ay taaladaasi uga taagan tahay dhul aanu xoreentiisa u diririn welina aan xor aheyn ardayga wax ka barata deegaamadaasina wixi ka danbeeya fasalka 6aad ay luqadda Xabashiga wax ku bartaan taariikhda Sayid Maxamedna aanay ku jirin manhajka wadankaa Xabashida, taasoo ah cadeeynta ugu weeyn in dhulkaasi uu gacanta cadawga iyo gumeeysi ku jiro Magac federaaleed kasta oo loogu yeero ama dabadhilif hogaan looga dhigaahi siduu doono hadalka ha u dhigo laakiin waxay ummadda Soomaaliyeed aaminsan yihiin gebi ahaanba in jajuub iyo adoonsi lagu haysto dhulkaa Soomaali Galbeed Gacan shisheeyana uu weli ku jiro.
By. Mustafa Salad Awale
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________