984 Views

Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo ku kulmay magaalada Riyadh si ay u adkeeyaan xiriirkooda

Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo  ku kulmay magaalada Riyadh  si ay u adkeeyaan xiriirkooda
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 21 2021

Hoggaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii ku kulmay magaalada Riyadh, si ay u adkeeyaan xiriirkooda kadib markii dhowaan labada dowladood ay hadallo hawada isu mariyeen ayaga oo ku muransan qiimaha shidaalka caalamka.

“Walaalkey Mohammed bin Salman iyo aniga waxaan ka wada-hadalnay hababka lagu xoojin karo xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga muhiimka ah ee labadeena dal,” waxaa sidaas yiri dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed kadib kulan uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman.

“Saaxiibtinimada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya waxay weli tahay mid xooggan oo barwaaqo ah,” ayuu Bin Zayed ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa dhankeedana werisay in Mohammed bin Salman uu garoonka kusoo dhoweeyey Mohammed bin Zayed, labada hoggaamiyena ay yeesheen wada-hadallo miro dhal ah.

Labadan hoggaamiye ayaa muddo loo arkay lamaanaha awoodda gobolka, waxayna ku caan yihiin xarfaha magacyadooda loo soo gaabiyo eee MBZ iyo MBS. Hase yeeshee, kulan la’aan jirtay muddooyinkii dambe ayaa sare u qaaday xan ku saabsan in xiriirkooda uu dabcay.

Muran horraantii bishan ka dhashay heshiis ay dalalka shidaalka soo saara ee OPEC+ qorsheynayeen ayaa sidoo kale khilaaf ka dhex-abuuray labada dal, oo laba waddo kala raacay.

Loolan ku dhisan dhaqaale ayaa xuddun u ah khilaafka, ayada oo dalalka Khaliijka ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan keydkooda shidaalka, xilli ay wajahayaan in dunida mar aan dheereyn ay ka kaaftoomi doonto shidaalka intiisa badan.

Imaaraadka Carabta ayaa heshiiska OPEC+ ku qeexay “mid caddaalad darro ah” ayada oo kula loolantay Sacuudiga oo ah dalka dhoofiya shidaalka ugu badan caalamka.

Si kastaba, OPEC+ ayaa heshiis gaaray Axaddii, kaasi oo dhigaya in si tartiib ah sare loogu qaado soo-saarka shidaalka caalamka laga billaabo August.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post