816 Views

Maamulka Jubaland oo ka hadlay sababta ay Cabdi Cali Raage ugu diideen Kismaayo.

Maamulka Jubaland oo  ka hadlay sababta ay Cabdi Cali Raage ugu diideen Kismaayo.
____________________________________________________________________________

Jimco: July 9, 2021

Cabdi Cali Raage oo sheegay in uu yahay musharax xildhibaan oo  diyaarad uu saarnaa laga celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Musharaxa oo markii hore ka duulay Muqdisho ayaa diyaaradii uu saarnaa markii ay ku hoobatay garoonaka Kismaayo lagu wargeliyay duuliyaha in uusan sababo amni awgood uga degi karin garoonka.

Cabdi Cali Raage oo markii uu dib uga laabtay Muqdisho la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabada loogu diiday Kismaayo ay tahay mid mugdi galinaysa doorasho hufan oo ka dhacda Jubaland.

Cabdi Cali Raage ayaa ah lataliyaha Madaxweyne Farmajo ee arrimaha doorashada.

Dhanka kale maamulka Jubaland ayaa ka hadlay sababta ay Cabdi Cali Raage ugu diideen in uu ka soo dego Kismaayo.

Taliyaha Booliska Qeybta Jubbada hoose Gashaanle Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maalmahii la soo dhaafay ay la socdeen dhaqdhaqaaqyo ay kooxo uu hormuud u yahay Cabdi Cali Raage ka wadeen gudaha Kismaayo, kuwaas oo sida uu tilmaamay doonayay in ay magaalada soo galiyaan hub sharci darro ah.

Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ay maanta ciidamadu ka warheleen in Cabdi Cali Raage uu ka soo kicitimay Muqdisho isaga oo isticmalaaya magac aan kiisa ahayn si uu u yimaado magaalada Kismaayo, kaddibna ay ciidammu amreen in uusan kaso degi larin garoonka diyaaraha Kismaayo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post