1281 Views

Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday in xajka sanadkan ay Gudan karaan dadka u dhashay Dalkaas kaliya

Sacuudi Carabiya oo  ku dhawaaqday in xajka sanadkan ay Gudan karaan dadka u dhashay Dalkaas kaliya
____________________________________________________________________________

June 12 2021

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhawaaqday in xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya 60,000 oo xujey ah oo ku nool Sacuudiga, taasi oo ka dhigan in dhammaan xujeydii ka iman laheyd guud ahaan caalamka aysan gudan karin xajka sanadkan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxeyn doono 18 ilaa 65 sano jir, islamarkaana ay waajib noqo doonto in ay si buuxda u soo qaateen tallaalka looga hortago xanuunka COVID-19.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post