Muqdisho, 1 September 2015- Wararka na soo gaarayo ayaa sheegayo in ciidanka Ethiopia ay ku dileen dad shacab ah oo an hubeeysneyn. Shalay gelinki dambe ayaa askarta Ethiopia ay dishay 4 qofood ay ku jiraan macallin Dugsi Qur’an iyo nin Sheekh ah oo aad loo yaqaan. Sidaas waxaa sheegay Cali Faarax Kheyre oo ka mid ah nabadoonada deegaankaas
Waa la sheegaya in dadkaan guryahooda logu tegay, la dilay, isla markaana ay Ciidanka nolol ku wateen dad gaarayaa 11 qof oo ila hada an la ogeeyn meel la geeyay.
Ma aha marki ugu horreysay ee ciidanka Ethiopia ay dad shacab ah laayaan oo waxa la ogyahay dilaal ka dhacay Halgan oo odayaal dhaqameedyo lagu dilay.
Dadka shalay lagu dilay Ceel Qooxke waxaa ka mid ahaa Sheekh C/raxmaan Ciise.
____________________
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________