1110 Views

Guddoomiyaha ganacstada Jaadka ee Kenya oo sheegay in go’aanka lagu xirey duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya

Guddoomiyaha  ganacstada Jaadka ee Kenya oo  sheegay in go’aanka lagu xirey duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya
____________________________________________________________________________

May 17 2021

Ganacsatada beeraleyda ah Jaadka ee Kenya ayaa ka doonaya dowladdooda iney si buuxda usoo celiso xiriirkii siyaasadeed ee ay la laheyd dowladda soomaaliya.

Guddoomiyaha ururka ganacstada Jaadka ee Nyambene, Kimahi Munjuri ayaa sheegay in go’aanka lagu xirey duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya isaga kala gooshi jirey ay tahay ra’yi qaldan, sida uu qorey wargeyska Daily Nation.

Ganacsatada jaadka ee Kenya ayaa maalin kasta u diri jiray Soomaaliya qaad fara badan iyagoo ka heli jiray dhakhli aad u badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqdey iney soo celisay xiriirkii ay la laheyd dowladda Kenya, balse uusan qeyb ka aheyn in la qaado xayiraadda saaran Jaadka.

Kenya ayaa toddobaadkii hore joojisay duuliimaadyadii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post