May 15 2021
Waxaa caawa magalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee taliye ku xigeenkii qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, G/Sare Axmad Cabdi Wehliye oo dhaawaciisa yaalay Isbitaalka Digfeer ugu kadib qaraxii 9-kii bishan ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Weerarkaas oo ahaa mid aad u culus uuna fuliyey qof is-miidaamiyey waxaa horay ugu dhintay dad ay ku jireen laba sarkaal, oo kala ahaa Taliyihii saldhigga la qarxiyey ee Waaberi Gaashaanle Axmed Baashane iyo Taliye ku xigeenkii qeybta booliska gobolka ee Waliyow Cadde G/Dhexe Cabdibaasid.
Sidoo kale Sarkaalka caawa geeriyooday ayaa noqonaya kii 3-aad ee ugu darajada sareeyay saraakiisha lagu dilay qaraxaas, waxaana geerida G/Sare Axmad Cabdi Wehliye warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________