April 11-4-2021
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gelinkii dambe Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka dib safar shaqo oo ugu maqnaa Caasimada Dalka ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhawaan uu dib ugu soo laaban doono Muqdisho.
Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah golaha Wasiirada.
Shirkii xerada Afisyooni ayaa wali xal laga gaarin, waxaana horay xubnaha beesha caalamka ay u sheegeen in Madaxda maamulada aysan Muqdisho ka bixi karin.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________